Shaqa joojinta Dhaqaatiirta dalka oo gashay maalinkii 4-aad ayaa waxa ay saamayn ba’an ku yeelatay adeegyada caafimaadka guud ahaan wadanka.
Isbitaalada waawayn ee dawlada ayaa waxaa dhooban Bukaano qaba xanuuno kala duwan, kuwaasi oo aysan jirin cid wax u qabanaysa lana tacaalaysa cuduradooda maadaama dhaqaatiirtu ay ku jiraan shaqa ka fariisi saamayn yeeshay.
Isbitaalka Qaran ee Kenyatta Hospital oo ah Isbitaalka ugu balaaran Bariga afrika aya awaxaa xiran qaybo badan oo ka mid ah kadib kolkii ay shaqa joojin ku dhaqaqeen dhaqaatiirtii joogtay.
Wasiirka adeega caafimaadka Pro Anyang Yongo ayaa ugu baaqay dhaqaatiirta in ay shaqada ku laabtaan ayna xushmeeyaan amarkii ay soo saartay maxkamada oo ay ku joojinaysay shaqa ka fariisiga dhaqaatiirta.
Dhaqaatiirta ayaa iyana dhag jalaq u siin amarka maxkamada iyo midka wasiirkaba waxa ayna wacad ku mareen in aysan shaqada dib ugu laaban doonin ilaa dalabkooda laga fulinayo.
Dhanka kale shaqa joojinta macalimiinta iskuulaadka dawlada ayaa sii galaysa todobaadkii 3aad waxaana ilaa haatan xiran iskuulaadka dawlada iyadoo ardayda wax ka barata iskuulaadkaasi aysan muddo dgawr asbuuc ah helin waxbarasho.
Dawlada ayaa wali wada dadaalkeeda ku aadanaa sidi macalimiinta ay uga dhaadhicin lahayd inay shaqada dib ugu laabtaan taasi oo aan ilaa haatan aan lagu guulaysan.
__________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login