Madaxweyne Geelle ‘Waan garab taaganahay walaaleheen Soomaaliya’

Madaxweynaha dalka jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka qeyb galeysay munaasabada Caleemasaarka Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay goobta ay sheegay in mar waliba dowadiisa ay garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha Jamhuuridda Jabuuti markii uu ka soo itaagay kurisaga uu ku fadhiyay ayaa waxaa goobta dadkii ku sugnaa ay dhamaantoot u sacbiyeen, waxa ayna kooxda Baanbeyda ay garaaceen astaanta Jamhuuriyadda walaalaha aynu nahay ee Jabuuti.

Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u hambalyo u diray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uuna ku tilmaamay in uu yahay muwaadin dalka isbadal ku sameeyay isagoona carabka ku dhuftay in maanta uu suurta galiyay munaasabada ay ka qeyb galayaan mas’uuliyiin ka socoto beesha caalamka.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa kula dardaarmay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu wax badan ka qabto amaanka maadaama muhiimada koobaad ay tahay amaanka, waxa uuna u balan qaaday in ay si wanaagsan ula shaqeynayaan dowladda.

Dowladda Jabuuti ayaa ah dowlad si weyn u taageerto shacabka Soomaaliyeed waana markii labaad oo uu Madaxweynaha Jabuuti uu yimaado dalka Soomaaliya Mudadii uu burburka jiray.

 

___________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login