Wafuud Caalami ah oo ka socota dalalka deriska iyo kuwa Caalamka ayaa soo garay maanta magaalada Muqdisho, iyadoo goor dhow garoonka diyaaradaha ay ka soo degeen wufuud aay ka mid yahiin Madaxweynayaasha Sudan, Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekir Bosdag.
Waxaa Ugu horeynba soo gaaray garoonka wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Turkiga Bekis Bosdag iyo xubno ka tirsan Dowladda Turkiga oo isugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo diblomaasiyiin.
Wafdiga Turkiga ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha,iyadoo loogu tumay astaanta Calanka Turkiga, iyadoo Ra’iisul Wasaare kuxigeenka uu salaan sharaf ka qaatay Cutub ka tirsan Ciidamada xooga dalka.
Waxaa xigay madaxweyne kuxigeenka Sudan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa iyana ka mid ah wafuuda caalamiga ee ka qeyb galeysa munaasabada caleema saarka, iyadoo soo dhoweyn heer sare ah loo sameeyay.
Waxaa kaloo kusoo xigsaday Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo diyaarad weyn ay ka keentay Muqdisho, iyadoo ay wehlinayaan xubno Wasiiro iyo mas’uuliyiin kale.
Waxaa kaloo isna maanta Muqdisho soo gaaray wafdi kasocdo dowlada Ethopia oo uu hogaaminayo ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Hailemariam Desalagn, iyadoo ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumada Itoobiya.
Sidoo kale waxaa ku jira wafuuda timid Wasiir dowlaha arrimaha dibada ee dowlada Qadar iyo mas;uuliyiin uu horkacayo.
Gudoomiyaha gudiga Midowga Afrika Jean Ping ayaa sidoo kale ka mid ah
sidoo kale xubnaha Muqdisho haatan ku sugan ka mid ah wafdi ka socda dalalka Kenya, Uganda, Brundi, iyo Tanzania.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta ;a ciirciireysa wafuud caali ah iyadoo aay u tahay maalin weyn oo markii u horeysay munaasabad lagu caleema saarayo Madaxweyne Soomaaliyed.
Abdisalaan Joker |Qaranimo Online | Muqdisho
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login