Xafladaan ayaa noqoneeysa tii ugu oreysay ee mudo 20 sano ka dib ka dhacda magaalada muqdisho iyadoo aay qaban qaabinayaan gudiyo ka kala socda madaxweynihii xiligiisu dhamaaday Shiikh Shariif iyo madaxweynaha cusub ww Soomaaliya Pro. Xasan sheikh Maxamuud , qaban qaabada xafladaan ayaa saakay si heer sare ah uga socoto garoonka Adan cade ee magalaada Muqdisho iyadoo dadka ka qeeb galaya munaasabadaana loo daad gureen doono dugsiga General Kaahiye kaas oo aay ka dhacday doorashadii madaxweynaha halkaas oo la doonayo imanka in lagu caleemo saaro madaxweynaha.
Wafuuda heerka caalami ee ka qeeb galeysa munaasabada ayaa waxaa ka mida dad magac ku leh Afrika balse sababo dhanka amaanka ah yaa loo qariyay magacyada dadkaas , in kastoo la sheegayo ineey ugu horeeyaan madaxweyanah dalka Jabuuti Cismaaciil cumar iyo kan Ugandha safiirada dalalka Mareykanka Britain Turkiga .
Kooxda Muusikada ee loo yaqaano Baambeyda, oo isugu jira saddex qeyb, isla markaana aad u labisan ayaa haatan garoonka diyaaradaha ku baroobeynaya Astaamaha dalalka qaar ee Mas’uuliyiintooda ku soo wajahan saaka magaalada Muqdisho.
Wafuuda Caalamiga ee ka qeyb galeysa shirka ayaan xalay ku hoyan Muqdisho balse saakay ayaa la filayaa in soo wada xaadiraan iyadoo isla markiiba ka qeeb galaya xaflada .
Ammaanka ayaa si aad loo adkeeyay, iyadoo Ciidamo fara badan oo isugu jira police military iyo kuwa Amisom lagu daadiyay wadooyinka iyo xaafadaha ku dhow dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay Ciidamada xireen dhamaan wadooyinka gala Xarunta lagu qabanayo Munaasabada caleema saarka.
_______________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize