“Shabab wada hadal ayaan la galeynaa” Xasan Sheikh

Inkastoo loolanka adag ee gudaha Soomaaliya ka oogan aaney waxba ka aheyn maamulka dabadhilifka ah ee reer galbeedku ku ilaaliyaan Soomaaliya ayaa hadane Xasan Sheekh Max’uud oo dhawaan loo dhaariyay xilka ugu sareeya maamulka dawladda Federaalka wuxuu shaaciyay wadahadal in ay la galayaan Mujaahidinta Soomaaliya.

Sida ka muuqaneysay bayaan saacado uun ka dib dhaarintiisii ay baahiyeen Mujaahidiinta, Xasan Sheekh Max’uud lagama soo qaadin qof dhinac ka ah loolanka dagaalka Soomaaliya ee ka dhexeeya reer galbeedka hantida iyo hubka la garab taagan ciidamada Afrikaanta ah ee duulaanka ku ah Wilaayaadka Islaamiga ah ee dalka.

Hayeeshee shir saxaafadeed shalay uu ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu hogaamiyaha cusub ee dawladda Federaalka wuxuu tilmaamay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay yihiin badankood dad Soomaali ah oo dalka aan laga laheyn, sidaasi darteedna ay la hadlayaan.

Laakin wuxuu sheegay in ay dalbanayaan waxa uu ugu yeeray ” Ajaanibta” qeybta ka ah Jihaadka Soomaaliya in ay ka baxaan dalka, oo dib ay ugu laabtaan wadamadii ay ka so nafiireen.

Xasan Sh Max’uud ayaa adkeeyay hadalladii hore ay u dhihi jireen maamuladii ka horeeyay, laakin marna la isma weydiinayo maxaa lagala hadlayaa ragga Taankiyada lagu sido? Yaase wadahadalkooda diyaar u ah?.

Qofna daah kama saarna in talada iyo masiirka dalka Soomaaliya ay ku loolamayaan reer galbeedka oo kaashaanaha Afrikaanta iyo Mujaahidiinta oo doonaya dalka in ay ku hogaamiyaan Shareecada Islaamka, kuwaas oo taageerada ugu badan ka heysta shacabka Soomaaliyeed.

Marar badan ayay hogaanada Mujaahidintu sheegeen Jihaad in ay kaga hortagayaan mashaariicda reer galbeedka ee dalkan, ilaa Soomaaliya iyo diinteeda la isaga harayo oo shacabka Soomaaliyeed ay sameysanayaan dawlad Islaami ah oo Wilaayaadka dalka u horseedda amni iyo baraare, nabad iyo horumar.

   

SOURCE: Somalimemo

______________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 16, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.