Taliyaha ciidamada Midawga Afrika ee AMISOM, General Andrew Gutti ayaa raalli geliyay qoyska wiil dhalin yaro ahaa oo Maalintii Shalay ahayd uu Jiiray gaari ay leeyihiin ciidamada AMISOM. Agagaarka KM4.
General Gutti ayaa sheegay inay ka xun yihiin dhacdadaasi AMISOM isagoo tacsi u diray qoyska iyo ehelada marxuumka, wuxuuna sheegay inay baarayaan sida falkaasi uu ku dhacay.
Wuxuu intaas ku daray inay isla markiiba la xiriireen booliska Soomaaliya si ay goobta uga qaadaan meydka Wiilka uu Gaarigu Dul maray.
Shilka waxaa ku lug lahaa mid ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee AMISOM oo uu sheegay inuu bareegga ka xumaaday sidaas Darteedna uu Darawalkii waday Lumiyay Koontroolka Gaariga.
General Andrew Gutti ayaa waxaa uu u soo jeediyay dadweynaha inay taxaddaraan marka ay waddooyinka goynayaan, una oggolaadaan gaadiidka gaashaaman inay gudbaan si looga hor-tago inay shilal noocan oo kale ah dhacaan.
Share on Facebook
![]() |
Socialize