Nin ganacsade ah oo la dilay

Kooxo hubaysan ayaa xalay salaada maqrib kadib ku dilay Deegaanka Mareerguur oo hoostaga Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka galgaduud nin ka mid ahaa ganacsatada gobolkaasi, kaas oo lagu magacaabi jiray Shariif Cabdi Geeddi, waxaana la sheegay in ganacsadaha lagu dhexdilay goobtiisa Ganacsiga ah.
Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen markii ay dilka geysteen ka dib, waxaana dilka ganacsadahaasi ka hadlay maamulka Ahlu Sunna oo sheegay in tuulada uu dilku ka dhacay ay u direen ciidamo, isla markaasna lagu raad-joogo dilka ninka ganacsadaha ah.
Lama oga cidda dishay ganacsadaha iyo sababta ka dambeysa dilkiisa, waxaase la sheegay in beryihii tagay goobo ku dhow tuulada uu dilku ka dhacay ay ka jireen aanooyin qabiil, inkastoo aan la ogeyn in dilka ganacsadahani ay xiriir la leedahay dilalkii aanooyinka qabiilka.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 17, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login