Bayaan ay soo saareen Guddiga La Tashiga Jaaliyadda Dibadda ee Bulshaweynta Baraawa

Brava Diaspora Advisory Council – BDAC | Guddiga La Tashiga ee Bulshaweynta Baraawa waxaa farxd weyn u ah in ay u hesho fursad qaali ah oo ay ku cabirayso in ay salaam,hambalyo iyo bogaadinba u dirto Madaxweynah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Federaalka iiyo dhamaan xubnaha xildhibaanada baarlamaanka. Guddiga waxa uu u rajeynaya dawlada Soomaaliya in hawsha ay ummadda u haayaan Allah u fududeeyo, iyo in ay ummadda Soomaaliyeed u horseedaan midinimo iyo cadaalad.

Guddiga Jaaliyadda Dibadda ee Bulshaweynta Baraawa waxaa uu ku aasaamay fikradaha iyo rabitaanka dhamaan bulshaweynta Baraawa eek u nool dalka dibadiisa. Ujeedada Guddigan waxaa weye in la abuuro jawi ku dheehan midnimo iyo iska war qab guud uyo gaarba in ay yeeshaan dhamaan bulshweynta Baraawa eek u nool dalka dibadiisa sida Europe, Waqooyiga Ameerika, wadamada Khalijka iiyo kuwa ku nool Bariga Afrika.
Ujeeddada Guddiga La Tashiga waxaa ugu weyn in ay ugu baaqaan dhamaan bulshaweeynta Baraawa ay ka qeyb qaataan barnaamijyada ku saabsan midnimada iyo horumarinta degaanka iyo bulshaweynta Baraawa ayaga xirgelin doonaan wacyi-gelin, waxbarsho la gaarsiiyo meel kasta magaalo iyo tuulaba, beeraha iyo biyo nadiif oo ummadda ay cabitaan u isticmaalaan. Guddiga waxa uu dadweynaha deegaanka ku dhiirigelin doonaa in ay ilaaliyaan deegaanka iyo in aan la goynin dhirta iyo in aan la ugaarsanin xayawaanka duur-jooga ah.
Guddiga waxa uu si buuxda ugu qeyb qaadan doonaa maamul u sameynta degmada Baraawa, ayaga oo la tashan doonaan odayaasha dhaqanka. Waxaa kale oo ka qeyb qaadan doonaan dhisidda guddiyada guurtada ee heer tuulo iyo magaalaba.
Guddiga La Tashiga Jaaliadda Baraawa ee Dibadda, waxay dawladda iyo Baarlamaanka Federaalka soomaaliya ka codsanayaan in laga la soo xiriiro barnaamijyada loo qoondeeyey degmada Baraawa sida maamul u sameynta, iyo barnaamijyada horumarinta. Guddiga waxaa si buuxda oo si iskaa wax u qabsi ah ula shaqeynayaa odayaasha dhaqanka, dawladda iyo baarlamaanka Soomaaliya si u fududeeyaan qorshe hawleedka eek u aadan degmada Baraawa.
Guudiga mar kale waxay hambalyo iyo bogaadin u diraayaan Madaxweynah iyo Guddoomiyaha Federaalka Soomaaliya, waxayna u rajeynayaan guul iyo horumar.
Guddiga La Tashiga Jaaliyadda Baraawa ee Dibadda (Brava Diaspora Advisory Council – BDAC).
______________________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 18, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login