Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta golbolka j/hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladu aay kaanbiga ku hayaan magaaladaas ka dib dagaalo socday 3 bari oo xiriira ku was oo aay ku hoobteen labada dhinacba
Xaalada magaalada ayaa kacsan iyadoo ciidamadi Shabaab eek u sugnaa Kismaayo aay habeen hore bilaabeen ineey isaga cararaan magaalada iyagoona ka rartay magaalada agabkii idaacadi Andalus eek u hadli jirtay afka xarakada iyo waliba qalab farabdan oo aay ku jiraan matooro saanad malatari waxaa kaloo magaalada mar horeba isaga cararat ajaanibtii iyo amiiradii xarakada eek u sugnaa halkaas kadib markii Ciidamada huwanta ay ku soo dhowaadeen magaalada, iyadoo dadka ay bilaabeen inay isaga barakacaan.
Taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka Jen. Ismaaciil Saxardiid oo la hadlay warbaahinta dibada iyo tan gudahaba ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka cararayaan magaalada, isla markaana ay mar dhaw gudaha u geli doonaan, isagoo xusay in hadii ay xabad kaga soo dhacdo ay la dagaalami doonaan.
Dhanka Sarkaal ka tirsan Shabaab oo lagu magacaab Maxamed Cismaan Caruus ayaa isna sheegay in xeelad dagaal ay uga baxayaan magaalada, balse aanay ka fogaan doonin, waxaana la arkayay iyado Shabaab xafiisyadooda kala baxayaan agabyadooda muhiimka sida matoorada korontada siiya magaalada.
Jawiga magaalada ayaa kacsan mana jiraan wax ganacsi ah waxaana dhamaan albaada loo laabay goobihii gancsiga iyo iskuuladii wax barashada waxaana muuqanaye in dadku aay cabsi ka qabaan in shabaab aay kaga baqayaan in aay wax yeelo u geestaan dadka iyagoo ku eedeynaya ineey yihiin jaajuus .
Dad ku sugan magaalada ayaa sheegaya in Alshabaab aay gawaarida xamuulka ah ku daad gureynayaan dad badan, kuwaasoo loo kaxeynayay jiidaha dagaalka, iyadoo Shabaab doonayaan inay ka galaan dagaalkii u dambeeyay ee Kismaayo ku difaacayaan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login