Cali Maxamuud Raage Cali Cali Dheere Afyeenka Dhaq Dgaqaaqa Al Shabaab oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu meesha ka saaray oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in Al-Shabaab ay iskaga Baxeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubadda hoose oo Maal mihii Dambe ay soo Baxayeen warar ah in ay Iskaga Baxeen Magaaladaasi .
Afayeenka ayaa waxaa uu sheegay in Ka bixitaan ay ka baxaan Magaalada Ksmaayo ay ka horeyso in uu dhiig badani daato oo Xoog looga Saaro inta ka horeysana ay halkaa ku sii dhaqi Doonaan Shareecada Islaamka .
Waxaa uu sheegay in wararka Sheegaya in Al-Shabaab ay iskaga Baxeen Kismaayo ay yihiin kuwo laga bad badiyay oo ay warbaahintu si qaldan u baahiyeen taana ay tahay Cabsi galin lagu abuurayo Shacabka Kismaayo “Kismaayo kama aanaan Bixin kamana Bixi doono hadii wax walba dhacaan “ayuu yiri Cali Dheere .
Digniin ayuu Udiray Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya ee ka dagaalamaya Gobolka Jubadda hoose isagoo si gaar ah Digniintiisa ugu diray Ciidamada kenya ee Qaybta ka ah Kuwa AMISOM waxaana uu sheegay in dhibaatada ay iyagu ku Dambey Doonaan hadana ay dhibaato Badan gaarsiiyeen .
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay tahay Magaalo aad istiraatiiji u ah oo ay ku loolamayaan Gacan ku haynteeda dhinacyo badan Sarakiisha Ciidamada Dowlada iyo kuwa Kenya ayaa waxaa ay leeyihiin 2 Maalin gudahood ayaa kula wareegeynaa halka Al-Shabaabna ay leeyihiin Ma dhici doonto taasi Mareykankuna waxaa uu sheegay in Maraakiibtiisa dagaal ay soo istaageen Xeebta Kismaayo maalimihii Dambana waxaa soo baxayay war sheegaya in Al-Sghabaab ay ka baxeen Kismaayo .
________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize