Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar Gaashaaanle sare Maxamed Xuseen Axmed ayaa wuxuu ka hadlay warar sheegaya in xabsiga dhexe ee xamar dadka lagala baxo.
Wuxuu sheegay in maxaabiista la soo xiro lagu keeno sifo sharci ah qof waliba lasoo xirano uu waqtigiisa meesha uu ku dhameesto wax sharciga ka baxsana aan lagu sameyn xabsiga Dhexe ee Xamar.
Gaashaaanle sare Maxamed Xuseen Axmed ayaa dhanka kale beeniyay in maxaabiista qaarkood oo xabsiga ku jira in si aan sharci aheyn looga saaro xabsiga taasina wuxuu ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.
Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay in dadka lasii daayo ay yihiin kuwa si sharci ah lagu sii daayay balse aysan dhicin cid bilaa sharci xabsiga dhexe ee xamar looga saaro.
Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran boqolaal maxaabiis ah kuwaasi oo ku eedeesan dambiyo kala duwan.
___________________________________________
![]() |
You must be logged in to post a comment Login