Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan wada tashi ah la yeeshay xalay musharaxiintii la tartamay

Madaxweynaha dhawaan la caleema ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan wada tashi ahaa kula yesshay Xarunta Madaxtooyada xubno ka mida musharxiintii kula tartamay doorashadii madaxweynanimada Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa goob jog ahaa  Gudoomiyaha Baarlamaanka iyadoo Madaxweynuhu kala tashaday siyaasiyiinta qaabka ugu habeen ee uu u soo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Musharaxiinta ay u jeediyeen Madaxweynaha cusub inuu soo magacaabo Ra’iisul wasaare karti iyo aqoon leh awoodana inuu dalka ba baxsho dhibaatada horayna usii wado howlahii la qabtay, si howlaha hor-yaala dowladda horay ugu socodsiiyo.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay qaar ka mid ah Musharaxiinta cododkkii ay siiyeen wareegii labaad ee doorashada, taasoo u suura gelisay inuu kaga guuleysyo cod aqlabiyad leh Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale waxa uu u sheegay in uu musharaxiinta in badan uu ku tiirsanaan doono, isla markaana aanu ka maarmin doonin afkaartooda iya taladooda.

Musharaxiinta uu  la kulmay ayaa waxaa laga xusi karaa oo ka mid ahaa musharaxiintii ugu cad cadaa ee wareegi koowaad ee doorashada ka helay codad macquul ah, waxaa ka mid ahaa kulanki xalay siyaasiyiinti xaadirka ahaa Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Cabdiwali Maxamed Cali, Prof Samatar, Cabdulaahi Axmed Cadow, C/raxmaan Baadiyow, C/qaadir Cosoble, Yusuf Garaad Cumar iyo qaar kale.

madaxweynaha ayaa looga fadhiyaa inuu soo magacaabo ra,iisul wasaare ka hor 10bisha Octobar oo ku eg mudada uu heesto ee 30bari aheyd.

by: Abdisalam Joker | Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login