Musharixiin dhagta hadal ugu sheegay madaxweyne Xasan

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaalia Mudane Xasan Sheikh Maxamuud ayaa Xalay waxaa uu kulan ay al Baabadu U xirnaayeen  kula qaatay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Qaar ka mid ah  Musharixiintii ay ku wada tartameen Xilka Madaxtinimada 10 Bishaan September  waxaana uu kala hadlayay Sidii ay Talooyin uga siin la haayeen soo Magacaabista Ra;iisul wasaaraha dalka .

Musharixiinta uu M/weynuhu Xalay la kulmay ayaa waxaa ka Mid ahaa:

  • Prof Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo
  • C/laahi Axmed Cadow
  • Axmed Cismaaciil Samatar
  • Cabdi Raxmaan Macalin C/laahi Baadiyow
  • Yuusuf Garaad Cumer Axmed
  • Cabdi wali Maxamed Cali Gaas iyo kuwa kale

Kulankoodu Markii uu soo idlaaday ayaa waxaa la hadlay Warbaahinta Qaar M/weynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Prof Xasan Sheikh Maxamuud waxaana uu sheegay in uu aad ugu Mahad Celinayo Musharixiintii uu la kulmay Sida ay taageerada ula garab taagan yihiin Mar walba isagoo faah Faahiyay wax yabaha ay ka wada hadleen in ay ka mid ahyd Talooyin ay u soo gudbiyeen oo la xiriira dhinaca Magacaabista Ra’iisul wasaaraha

M/weynaha ayaa dhinaca kale waxaa uu sheegay in Asbuucaan uu guda galayo Soo Magacaabista Ra’iisul wasaaha Cusub ee  Soomaaliya ay yeelaneyso waxaana uu tilmaamay in ay jiraan Mas’uuliyiin Badan oo CVyo usoo Gudbiyay uuna Diirada Saari doono Ruuxii  uu u arko in uu wax ka qaban karo Marxalada Dalku ku sugan yahay waxaana Xiliga uu hadlayay Garabkiisa taagnaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari .

______________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 19, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.