Warka ka imaanaya magaalada afgooye ayaa sheegay in saakay aroornimadii qaraxyo lagula beegsaday halkaas ciidamo police ahaa oo howlago baaritaano ah ka waday halkaas ,iyadoo aay ka dhasheen waxyelo soo gaartay ciidamada iyo waliba dad rayid oo ka ag dhawaa goobta u ka dhacay qaraxu.
Qaraxyada oo labo ahaa ayaa la sheegay in lagu aasay meel wadada gees keed ah iyadoona lala beegsaday ciidamada dowlada gara ahaan kuwa police ka , iyadoona ciidamadu aay bilaabeen howlgalo dad badan lagu soo qab qabtay ka dib qaraxa iyadoo la sheegayo inn gacanta lagu soo dhigay afar qof oo aay ciidamu sheegayaan ineey qeeb ku leeyihiin qaraxaas balse ilaa hada kama aay soo saarin war rasmi ah oo la xiriira qaraxaas iyo afrat qof ee aay hayaan .
Magaalada afgoote ayaa u muuqatay waayahaan mid kasoo reeyneysa dhanka amaanka bale qaraxyadaa saakay dhacay ayaa shaki iyo murugo galshay dadka deegaanka oo wayahaan ka nastay qaraxyadii iyo ciidamdii ka tirsanaa dowlada ee dhaca iyo boobka ka geeysan jiray magaalada Afgooye.
by: Abdisalam Joker | Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize