Maamulka Gobolka Banaadir Cambaareyay duqeyntii Shibis iyo Boondheere

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa cambaareeyay duqeyn sababtay dhimasho iyo dhaawac oo xalay lagu garaacay degmooyinka Shibis iyo Boondheere, iyagoo ugu baaqay Hey’adaha amniga inay wax ka qabtaan.

Gudoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Banaadir Warsame Maxamed Xasan ayaa sheegay in madaafiicda ay ka dambeeyaan Al-Shabaab, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay in dad hurda madaafiic lagu soo rido.

“Waxaa madaafiicda ka dambeeya, nimankii dadka leyn jiray, oo haraadigooda afar iyo shan isku uruursanaya, hadii aysan dhiig gelin 24-saac waa jiranayaan, waa kuwaas naxariis laawayaasha ah”ayuu yiri Warsame Joodax ayaa sheegay in looga baahan yahay in Hey’adaha Sirdoonka ay sameeyaan baaritaan iyo iska warqab ku aadan sidii looga hortagi lahaa hoobiyeyaasha la soo tuuro.
Dhinaca kale Gudoomiyayaasha degmooyinka Boondheere, Shibis iyo Kaaraan ayaa sheegay in xaafadaha degmooyinkaas ay ku soo dhaceen Hoobiyeyaal, inkastoo madaafiicda ku dhacday Kaaraan aanay sababin qasaare.

Gudoomiyaha degmada Kaaraan ayaa sheegay in madaafiicda ay tuhmayaan in laga soo ganay degmada Huriwaa, isagoo xusay in loo baahan yahay in shacabka iyo Ciidamada ammaanka ay ka wada shaqeeyaan ammaanka.

Sidoo kale Gudoomiyaha degmada Shibis Daa’uud ayaa sheegay in labo ruux ay ku dhimatay, saddex kalena ku dhaawacantay madaafiicdii xalay ku soo dhacday degmadaas.

Ugu dambeyn Gudoomiyaha degmada Boondheere Istakiin ayaa sheegay in dadkii ku dhaawacmay madaafiicda ay yihiin dad xaaladooda ay liidato, isla markaana madaafiicda ay ku soo dhaceen xarun dad barakacayaal degenaayeen.

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 20, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login