Munaasabad si weyn loosoo agaaismaya laguna taageerayay Madaxweynaha cuusb ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu qabtay magaalada Helsing ee dalka Finland.
Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka Somali-liito oo ah urur ka dhisan dalka Finland ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay doorashadii Madaxweynaha iyo tii gudoomiyaha baarlamaanka.
Khudbado ay ka jeediyeen Munaasabada dadkii ka qeyb galay oo isugu jiray siyaasiyiin, aqoonyahano, waxgarad, culumaa’udiin iyo Haween ayaa waxay ku muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin is bedelka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.
Gudoomiyaha Somali-liitto Saciid Carshe oo hadal ka jeediyay Munaasabada ayaa ugu baaqay dhaman umadda soomaaliyed meelwalbo ay joogaan in ay taageeraan madaxweynaha cusub iyo xukuumada uu so dhisi doono waxaana uu guul ku tilmaamay in xiligan soomaaliya gudaheeda lagu doortay madaxweyne cusub.
Qaar ka mid ah dadkii ka hadlay xaflada ayaa hogaanka cusub ee Soomaaliya ku sheegay inuu yahay mid si xor ah loo soo doortay, maadaama ay yihiin wejiyo ku cusub siyaasada, iyagoo xusay inay taageeri doonaan isla markaana ay la shaqeyn doonaan.
Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee magaalada Helsinki ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadalka ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha dibada Kenya ee eedeyntii uu u jeediyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, kaasoo ku aadan qaraxaii ka dhacay Hotel Jazeera inuu ka dambeeyay.
Ugu dambeyn Munaasabadan taageerada aheyd oo isugu jirta mid Casho, Khudbado, iyo buraanburo ay jeediyeen dadweynihii ka soo qeyb galay ayaa waxaa mahad celin iyo ammaan loogu jeediyay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif, sida geesinimada leh ee uu xilka ugu wareejiyay Madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Nadifo Ali Shador Helsinki – Finland








Wareysi aan layeelanay Gudoomiye kuxigeenka Gobolk...
British Somalis going back for a future
Prof. Maxamed Cismaan Jawaari oo noqday Afhayeenka...
Yaa la diidan yahay, yaase la dooranayaa?
Sweden - Xaflada soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sh...
Minnesota - Xaflada Soodhaweynta Madaxweyne Xasan...
Edmonton - Canada - Xaflada soo dhaweynta Madaxwey...
Qaybtii 16aad ee qisadii:”Ila OOY!!!”
Filim ka hadlaya runta bilowgii dagaaladii sokeeye...
SOMCARE - Toronto fund raising events
Dib u eegis kooban buugga 'XUSUUSQOR'
The International Women's Media Foundation Elizabe...
![]()
|
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |


Socialize