Qaraxyo ayaa lagu weraray galabta goob maqaaxi ah oo kutaal guriga Hooyooyinka kana soo horjeeda Thearterka ,qaraxyada oo aay ku jireen isniidaamin ayaa waxaa ku geeriyaaday dad gaaraya 15qofood uu u badna dad rayid ah iyo wariyayaal kuwaas xilliga qaraxa dhacay ay goobta ku qaxweynayeen Wariyeyaal iyo dad kale oo Mas’uuliyiin ah.
Qaraxyada ayaa haa kuwaa si aada looga maqlay qeybo badan oo ka mid ah magaalada ayaa waxaa dadka ku dhintay waxaa ka mid ahaa Allaha u naxariistee Liibaan Cali Nuur oo ahaa Madixii Wararka Telefishinka Qaranka, C/sataar Dahir Sabriye oo ahaa Madaxa Barnaamijyada Telefishinka iyo C/’raxmaan Yaasiin oo ahaa Agaasimihii Idaacada VOD.
Wararka ayaa sheegaya in labo ruux oo waxyaabaha qarxa xirnaa ay is qarxiyeen xilliyo isku dhow, markii ay soo galeen maqaaxida.
Waxaa kaloo ku dhaawacmay Maxamed Xuseen Gentleman oo ka tirsan Radio Muqdisho, C/llaahi Suldaan oo ka tirsan Radio Kulmiye, wariyayaal kale oo lagu kala magacaabo C/kariin Guutaale iyo Shiine.
Waxaa kaloo la sheegayaa in dad caadi ah oo ay ku jireen Kabalyeeriyaasha maqaaxida Village ay ku dhinteen qaraxa, inkastoo aan si rasmi loo heyn tirada dadkii ku dhintay.
Dhaawacyada ayaa la kala geeyay Isbitaalada Madiina iyo Daarul-Shifa, waxaana dadka dhaawacmay isugu jiraan wariyeyaal, dad goobta ku qaxweynayay.
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login