Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa balan ku galay in saacadaha soo socda ay qaadi doonaan tallaabooyin adag oo ay ugu aar-gudayaan Wariyeyaashii iyo dadkii kale ee ku dhintay weeraradii naftii halignimo ee xalay ka dhacay Baar lagu qaxweeyo, oo ku yaal guriga Hooyooyinka.
Kulan deg deg ah oo hey’adaha ammaanka dowladda ay ka yeesheen weerarkii naftii halignimo ayay ka soo saareen go’aano la xiriira dhinaca ammaanka iyo howl galo ballaaran oo si wada jir ah loo qaado doono.
Mas’uuliyiinta Hey’adaha ammaanka oo xalay Warbaahinta dowladda kala hadlay shacabka Soomaaliyed ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay qaadi doonaan howl galo culus oo ka dhici doono Muqdisho iyo Gobol, kaasoo ay ku soo qab qaban doonaan kooxihii soo abaabulay weerarkii fuleynimada ahaa ee ka dhacay Baarkii lagu qaxweynahay.
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirkii gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in weerarkii argagagixiso ee ka dhacay Maqaaxida Hooyooyinka uu muujinayo sida kooxahan ay naf la caari u yihiin.
“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay falkaan waxuu muujinayaa sida kooxahan ay naf la caari ah oo goobaha ay dowladda joogto aysan u soo beegsan karin, sidaas ayey goobaha dadku isugu yimaado u beegsadaan sida maqaayadaha,hay’adaha ammaankuna wey laba laabi doonaan gudashada waajibaadkooda” ayuu yiri Xuseen Carab Ciise.
Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in falkan markii uu dhacay ay Hey’adaha amniga ay isugu yimaadeen shir deg deg ah, isla markaana ay go’aansadeen in la qaado tallaabooyin deg deg ah, isagoo weerarkaas ku tilmaamay mid bahalnimo ah.
Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay sameyn doonaan tallaabooyin cad cad, isagoo xusay in falkan waxuushnimada aanu marnaba hakin doonin horumarka shacabka Soomaaliyed ku tallaabsadeen.
“Maalmaha soo socda talaabooyin cad cad ayaa la qaadi doonaa kooxahani umadda doonaya iney dabar jaraan, shacabka Soomaaliyeed waxaan leeyahay kooxahan dhibaatada geysanaya waxey ka soo dhex baxaan guryaha aad degen tihiin war idinka ayey maalin walba idin leynayaan ee hay’adaha amniga la shaqeeya”ayuu yiri Mr Tarsan.
Waxaa uu kula dar-daarmay Milkiilayaasha goobaha laga cunteeyo inay sameeyaan taxadar dheeraad ah, isla markaana ay la shaqeeyaan Hey’adaha ammanka, si cidii ay ka shakiyaan ula soo socodsiiyaan Hey’adaha ammaanka.
Tarsan ayaa balan qaaday in cidii soo sheegta qof ka tirsan kooxaha Argagixisada inay abaal marin siin doonaan sida uu yiri.
Sidoo kale Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Shariif Sheekhuna Maye ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ay god walba oo ay ku jiraan ka soo saari doonaan kooxaha naf la caariga, isagoo carabka ku adkeeyay in saacadaha dhow ay shacabka ay dareemi doonaan is bedel dhinaca amniga ah.
Agaasimaha hey’adda Nabadsugida qaranka Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in falkan uu qeyb ka yahay dambiyada ugu waa weyn ee ay shacabka ka galeen kooxaha argagixisada, isagoo cadeeyay in marnaba aan laga hari doonin, cid walba oo ka dambeysay lala xisaabtami doono.
“Falkan waxaa uu ahaa kiisaskii ugu weynaa ee dad qiimo badan ay ku waayeen shacabka Soomaaliyed, oo dhamaantood ka dhacay gudaha dalka, shacabka Soomaaliyeed waxaan u ballan qaadeynaa in gacan aan naxariis laheyn aan ula tagi doono kooxahan manaxayaasha, howlgallo culusna waan ka fulineynaa goob kasta oo ay kooxahan joogaan”ayuu yiri Axmed Macalin Fiqi.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-badan oo Warbaahinta qaranka ee dowladda la hadlay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyed ay goor dhow arki doonaan ficilo loogu aar-gudi doono dadkii lagu xasuuqay maqaaxida, isla markaana hor-tooda lagu ciqaabi doono sida uu yiri.
“Ma calaan-caleyno, kooxahan jid iyo jaha-diidka ah waa is naqaanaa, shacabka Soomaaliyed waxaan u balan qaadeynaa inaan u aari doono shuhadadii aan waxba galabsan ee Argagixisada ay laayeen, waxaan qaadi doonaa ficil deg deg ah oo aan ku ciribtiri doono”ayuu yiri Jen. Dhega-badan.
Ugu dambeyn Hey’adaha ammaanka dowladda ayaa wacad ku maray inay tallaabooyin cad cad ay qaadi doonaan waqtiyada soo socda, kadib markii Al-Shabaab ay sheegatay weerarka lagu qaaday Maqaaxiga lagu qaxweynayay ee ku taal Gurigii Hooyooyinka.
________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login