Qaybtii 15aad ee qisadii:”Ila OOY!!!”

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Diyaaradaan nabad ma kaga dagan doonaa? Meesha ay ii waddo ma tahay meeshaan u socday toloow? Feker dheer ayaan galay, daalka ii haayay  dartiisna marna hurdaaday, marna si sas ah hurdada kaga soo boodaayay. Waxaan nimid Eeraboorkii aan aqaanay, waxaaba iigu danbeeysay sanad ka hor oo aan u soo aadnay arooska Bile saaxiibkiisa aadka ugu weeyn ee halkaan ka dhacay, oo aan joognay hal asbuuc.

Waxaa u jeedaa in anbalaastii timid, dad aan aqaanana  gudaha dheer ee diyaarada ay soo galeen, oo banaanka aan kaga daganay diyaarada, si anbalaasta Bile loo saaro. Waxaa igu soo kala orday lix qofood oo aan sanad ka hor ka wada qayb qaadanay arooskaas. Waa gabadhii iyo wiilkii Cathrine, Alexandra iyo Steven , Sumaya iyo ninkeedii Axmad, Cabdiqani iyo xaaskiisa Bishaaro. Ooyin iyo farxad badan ayaa isku waqti igu soo habsatay, dhamaantood ma oga in musiibadu intaan ka badantahay, oo cid joogta Soomaaliya oo ay la hadleen ma jirin, waxeeyba iigu hanbalyeeynaayeen in aan soo fakaday, oo aan noolahay, waxna iga halaabeeynin! Wax iga halaabaayo oo haray maba jiraan hada kadib. Ilmahaygii waa tageen, ninkaygii waa nin liis ku qoran oo la raadinaayo, sideen u badbaadaa? Sideen u sabraa? Waxeey aheeyd markii koowaad oo aan qoslay, markay igu tiri Alexandra: “ Hee waa caatowday habaryar.. asbuucyada aad qafaalka aheeyd miyaa ku caateeyay?!”. Markiiba isbitaalka weeyn ayaa la geeyay Bile, oo lagu bilaabay baaritaan, weli ma hadlaayo, wax uu qaban karo, ama uu muujinaayo inuu la socdo ma jiraan, laakiin waa wax la hubo inuu noolyahay weli, oo maskaxdiisa dhaqdhaqaaq buuxo ayaa ka jira.

Waxaan u sheegay  Cabdiqani inuu la joogo Bile inta aan maqanahay, oo uusan xataa cabitaan doonanin ilaa aan ka soo laabto, waxaana i waday Sumayo, si aan u soo qubeeysto, oo nolosha aan ka tagay  dib ugu laabto.

 Cathrine waxaan isku baranay sanadkii 2001 meel iskool ah, oo u dhaweed meesha caruurtayda yar ka dhiganaayeen xanaanada caruurta,waxaan  arkay gabadheeda iyo wiilkeeda mataanaha ah ee ku sugaayay banaanka iskoolkooda, baabuur ayaan watay, oo caruurta roobka ku da’aayay indhaha ku dhuftay, waxaan isku qanciyay in loo soo socdo oo ay waalidkood sugaayaan. Waa soo adeegtay, oo caruurtaydii ka soo watay iskoolkii xanaaanada, markaan waddadii ku soo laabtay sidii ayeey u taagnaayeen weli caruurta, roobkiina ugu da’ayay, waxaana ku shakiyay in wax uun qaldanyihiin, oo inta istaagay, la hadlay, soona waday, oo gurigayga geeyay, dhar qalalan iyo raashin siiyay. Kadibna hooyadood wacay oo u sheegay in ay ilmaheeda ka soo doonato guriga ciwaankaas leh. Waxeey timid saacado kadib ayadoo ooyneeyso, kana naxsan waxa aan ahay, iyo sababta aan caruurta uga soo watay iskoolkoodii.

Waa soo dhaweeyay, waxeeyna ii sheegtay dhibka ka heeysto shaqadeeda ardaynimo ee isbitaalka  tabarka dhaqtarnimo uga shaqeeyso iyo xiliga ilmaheeda ka soo baxaayaan iskoolka, isla markaasna aysan ku laheeyn magaaladaan wax qaraabo ah, ninka ilmaha dhalayna ka guuray dalkan oo ahaa nin u dhashay dalalka Iskandaneefiyaanka midkood, oo aysan dadka ka aqoonin xiligaan dagaalkii dheeraa, ee furiinkiisa ka raacay kadib, waqti ay asaxaab ku yeelatana aysan helin. Hadane ay rabaan dowlada kuwa caruurta kala wareego waalidka aan masuulka aheeyn in ay ilmaha ka qaataan. Sidaas darteed aan maantay dhibaato weeyn ka badbadshay. Waa ka naxay dhibkeeda, dumar badan oo raba in ay isku filnaadaan, waxna bartaan , ilmahooda heeystaan ayuu dhibkaan heeystaan. Ma ila ahan in ay jirto hooyo ka fiican oo ilmaheeda kaga roon.

Meey siiyaan qof u haayo caruurta saacadaha ay shaqada jirto, inta ay ku siin lahaayeen dad islaameed shaqo caruurteeda? Waxaan u balan qaaday in aan heeynaayo maalinkasta xiliga iskoolka wax ka danbeeyo, oo iskoolka u sheegto in aan aniga u soo dooni karo, una qoray magacyadeena, ciwaankeena iyo teleefanada.

Halkaas ayuuna ka bilaawday xariirka dheer ee naga dhaxeyo aniga iyo ayada, iyo caruurteeda iyo anigaba. Waxbarashadii markay dhameeysay waxeey ka heshay shaqo isbitaal aan ka shaqeeynaayay  oo ay ka noqotay dhaqtarad, si fiican ayaana isku sii dhexgalnay, aad beey u jecleed in ay heeyso caruurteena sabdi iyo axada aysan shaqeeynin, oo aan anaga ka nasano caruurta madaama asbuuca dhan aan u heeyno labadeeda cunug, arin fiican ayeeyna aheeyd oo anaga waqti lamaane ayaan sidaas iskugu helnay, uguna arkeeynay qof Illaah noo soo diray sida Cathrine ayadaba u arkaysay . Waxyar inta aan guurin ka hor ayeey go,aansatay in ay u shaqeeyso ururka dhaqaatiirta aan laheeyn xuduuda, halkaas ayeeyna isku soo barteen ninka safiirka Zambabwi ugu ah Inagriiska, kadibna is guursadeen.

Waxeeyna iga soo wacday telefanka gabadheeda isla habeenkaan, oo Alexandar ma bixin, oo ayada iyo Steven ayaa isku bedelaayay Bile, intii aan aniga nasanaayay, maadaama dadkii kale caruurtoodii aadeen, oo xili danbe ay noqotay. Alexandar oo asbuucaan ka ah jaamacadeeda fasax ayaa balan qaaday in ay ila joogeeyso, si aan u seexdo oo u nasto, dibna ugu soo cishto awoodayda, madaama ay fahmeen in ay cabsi badan igu jirto oo aan aamineeynin dad dhar cad wata mar danbe. Mar hadaan imid England, waa in aan arintaan daba raaco, waxa mareykan iyo Guantamo gurigayga ka soo galay iyo cida  u soo jaajuustay  iyo sababta ilmahayga u afduuban rabeen  keentay , waa in aan soo ogaado. Hadane ninkayga iyo anigaba noo soo afduubteen? Ma naga hari doonaan, mise waa na raadinaayaan weli? Maxaa dhici doono? Intee isku qariyaa, ma magacadayada ayaan dhahaa ha la iga badalo oo qaataa aqoonsi cusub inta is dhiibo marlabaad? Sidee wax u dhaceen, sidee ku dhacday in CIA ama FBI waxa ay yihiin na soo daba raacaan oo na soo afduubtaan?

Waxaan isla habeenkaan xili danbe wacay Jabriil, oo u sheegay xaaladeena, waxuu joogaa wali guriga hooyo, hal mar ayaa  mashxarad iyo buuq la isla galay, su,aalo badanaa,  ooda la iga qaaday intee joogtaa, maxaad  nooga tagtay oo iskaga dhuumatay, Bile ma noolyahay? Jabriil inta ku xanaaqay ayuu ka soo tagay, si uu ii dhageeysto oo aan ugu sheego wixii dhacay, waxaan u sheegay arintii oo dhan, iyo halka aan joogo, waxaana ka codsaday inuu raadsho Maxamad, oo ii xiro asigoo nool, maxaayeelay ninkaas jaajuuska ah dad badan ayuu halaagaayaa, oo aan danbi laheeyn.

Markaan dhigay telefankii ayaa albaabka la soo gargaraacay, waxaana soo galay nin dheer, xoogan, madaw, gar dheer oo weeyna leh, waxaan ku  fekeray waaaw!! Sunno ayaa ka muuqato, maasha Alah … ma sheekha magaalada Londonbaa? Yaa u soo sheegay in aad maantay u baahanahay sheekh aniga iyo Bilaba? Aniga lanbar kow ayaan ahay, Quraan saar badan ayaan u baahnaa ninkaan ka hor, oo mardhaw waa waalanaa, hadii la ii gargaari waayo. Waa istaagay markuu ii soo dhawaaday, oo salaanta islaamka igu salaamay, waa u jawaabay, oo ka codsaday inuu fadhiisto kursiga, mise fadhiisanin ee sariirta Bile ayuu u gudbay oo cabaar ag taagnaa, , quraana ku soo aqriyay.

Asigoonan xataa magaciisa ii sheegin ayuu igu yiri: “ Waa ka xumahay dhibaatada ku soo gaartay, ama idin soo gaartay Bile iyo adigaba… ma aheeyn ku talagal hadii aan ognahayna in ay dhibkaan idin gaarsiin doonaan …” Yaah waa istaagtay oo fiirshay, anigoo gacantayda ku tusay in aan rabin in aan maqlo hadalkiisa oo iga aamuso. Yaa waaye ninkaan? Muxuu yiri? Hadii aan ogahay ma idinku sameeyeen! Wasaq… waxaana ku iri: “ Horta garkaaga dheer waa igu sirtay ninyahoow… laakiin ii sheeg waxa aad nagu sameeysay? Ma madfacii ilmahahyga iyo ayeeyadood lagu laayay ayaad soo tuurtay mise waxaad noo soo dirsatay eeyaha na soo afduubtay? Mana  I taqaanid, oo waad indha adagtahay hadii aad labadaas midkooda tahay oo aad i soo hor istaagtay adigoo nool weli!!” wuxuuna yiri inta iga daba istagatay: “ Labada ma ihi walaal. Laakiin waxaan ahay ninka loo maleeyo ninkaaga, oo waxaan nahay Bile walaalo isku hooyo ah………………………………..!”

Aqriste la soco qaybta danbe ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com

21/09/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 21, 2012. Filed under Dhacdooyinka, Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login