Kenya ” Anaga Shacabka ma bartilmaameysano”

Militeriga dalkani Kenya ayaa beeniyay warar sheegayay in Howlgaladooda ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Kismaayo ay ku bartilmaameedsanayaan Dad Rayid ah.

Afhayeenka Militeriga Dalkani Kenya Korneel  Sayris Oguna ayaa sheegay in warka ku saabsan in ciidmaadooda ay bartilmaameedsanayan dad rayid ah ay yihiin kuwa been ah islamarkaana ah borobagaanto lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku kulanto ee internetka.

Korneel Sayris Oguna ayaa ku nuuxnuuxsaday in nidaamka Militeriga Kenya ay ka mid tahay in aan la bartilmaameedsan goobaha adeega bulshada sida iskuulaadka,masaajidada,Isbitaalada,iyo goobaha kale ee dadwaynaha rayidka ah ay daganyihiin.

Afhayeenka dalkani Kenya korneel  Sayris Oguna ayaa ugu baaqay dadka magaalada kismaayo in aysan walaacin islamarkaana aan wax dhibaato ah loo gaysan doonin dadka shacabka ah.

Dhawaan ayay ahayd markii Hay’ada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha Human Rights Watch warbixinya ay soo saartay ku sheegtay in duqayn ciidamada bada dalkani kenya Kismaayo ka fuliyen ay dad rayid ah wax ka soo gaartay.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.