Wasiirka Gaashaandhiga Mudane yuusuf Xaaji ayaa u xaqiijiyay dadka kenyaanka in amaanka dalka uu yahay mid siwayn loo xoojiyay.
Mr Yuusuf Xaaji ayaa si gooni ah u tilmaamay in dawlada ay xoojisay amaanka waqooyiga dalka ee xuduuda laleh dalka soomaliya iyada oo militeriga dalkani kenya oo ka midka ah howlgalka midowga afrika ee AMISOM ay ku dhawyihiin galitaanka magaala xeebeedka Kismaayo.
Wasiirka gashaandhiga mr Yuusf ayaa sheegay in laamaha amaanka guud ahaan heegan sare la galiyay si amniga dalka loo sugo.
Mr Xaaji ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in hay’adaha amaanka ay samayn dooanan wax walbaa oo karaankooda ah si ay uga hortagaan in firxadka kooxda AL-Shabaab ay gudaha usoo galaan dalkani Kenya.gaar ahaan xerooyinka qaxootiga.
hadalka wasiirka gaashaandhiga ayaa imaanaya iyada oo maalintii shalay 2qarax ay ka dhaceen magaalada Garissa waxa uuna dadwaynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amaanka.
Share on Facebook
![]() |
Socialize