Kulan loogu baroordiiqayay saxafiyiintii lagu laayay Muqdisho oo lagu qabtay magaalada Kampala ee dalka Uganda


Hotelka Good Hope ee magaalada Kampala ayaa waxaa lagu qabtay Kulan loogu baroordiiqayay saxafiyiintii iyo dadkii kale ee dhawaan lagu laayay magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii lagu dilay qaraxii Khamiistii tagtay ka dhacay baarka Village ee ku yaalay agagaarka guriga Hooyooyinka ee magaalada Muqdisho iyo wariyihii kale ee Jimcihii shalay Muqdisho lagu toogtay.

 Kulankaas oo ay ka soo qeyb galeen qaar ka mid ah saxafiyiinta Soomaalida ee ku sugan dalka Uganda, Siyaasiyiin, Odayaal iyo xubno kale ayaa waxaa tacsi loogu diray saxafiyiintii, xildhibaanki iyo dadkii kale ee rayidka ahaa ee qaraxaas lagu dilay, waxaana sidoo kale Ilaah looga baryay intii ku dhaawacantay qaraxyadaas ismiidaaminta ahaa ee lagu xasuuqay dadka aan waxba galabsan in Ilaahay uu caafimaad siiyo.

 Cali-qadar Warjiid oo ah Xoghayaha Koowaad ee safaaradda Soomaalida ee dalka Uganda oo kulankaas baroordiiqa ka hadlay ayaa ugu horeyn waxa uu sheegay in fal lagu xumaado ay tahay in dad aan waxba galabsan la iska xasuuqo, gaar ahaan wuxuu sheegay in dadka la xasuuqay ay yihiin indhihii bulshada.

 “Madaxda dowladda, gaar ahaan saraakiisha qaabilsan amniga waa inaysan ku mashquulin isbedelka siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya ee waa inay u dhug lahaadaan sugidda amniga, sidoo kale wasaaradda warfaafinta waa inay ka shaqeysaa daryeelka iyo xafidaada saxafiyiinta, waayo dhibka inta uusan imaan waxaa haboon in laga hortago” ayuu yiri Cali-qadar Warjiid oo dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay wax ka qabato arrimaha amniga, sidoo kale wuxuu ugu baaqay in dadka ku dhaawacmay qaraxyadaas kuwooda aadka u liita ay u fidiso daryeel caafimaad aad u tayeysan, kuwa aan dalka gudihiisa wax loogu qaban karinna ay dalka dibaddiisa Caafimaad uga raadiso.

 Cabdi-nuur Maxamed Kediye oo ka mid ahaa saxafiyiintii kulankaas ka soo qeyb gashay ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN (Kullu Nafsin daa’iqatul Mowt), wuxuuna wax laga xumaado ku tilmaamay in saxafiyiinta iyo dadka kale ee waxgalka ah la dilo, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay arrimaha amniga xoogga saarto.

 C/raxmaan Cumar Madoobe (Caaqil Dalmar) oo isna ka mid ahaa saxafiyiintii kulankaas baroordiiqa ah ka hadashay ayaa sheegay in dilka wariyeyaasha Soomaaliyeed uu noqday sidii tusbax go’ay oo kale, isla markaasna ay mar waliba sameeyaan wariyeyaasha iyo dadka ka xanuunsanaya dilalkooda baroordiiq oo kaliya.

 “Baroordiiq la qabto waxba ma soo kordhinayo, dilka wariyeyaasha wuxuu noqday joogto, mana jirto ilaa iyo hadda cid loo qabtay dilalka wariyeyaasha oo sanadkan kaliya kor u sii dhaafay Tobaneeyo saxafi, kuwa dhaawaca ahna ay kor u dhaafayaan Labaatan saxafi, sidoo kale dowladdu mar waliba waxay sheegtaa inay wax ka qabanayaan dilalka wariyeyaasha iyo dadka kale ee waxgalka ah, laakiin afka kaliya ayuu waxqabadkoodu noqday, marka waa in si dhab ah loogu soo jeestaa sugidda amniga saxafiyiinta mar waliba dulman” ayuu yiri Caaqil Dalmar oo sheegay in gacan ku dhiiglihii dilay wariye Xasan Yuusuf Absuge ee dowladdu ay sheegtay inay gacanta ku heyso ay cadaaladda horkeento, sida ugu dhaqsiyaha badasn, waana in dhagarqabayaasha kale ay ku cibro qaataan ciqaabta dilaha haatan gacanta lagu hayo, ayuu yiri.

 Axmed Cumar Xaashin (Axmed Taajir) oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Uganda ayaa isna kulankaas ka sheegay in loo baahan yahay in wax laga qabto amniga saxafiyiinta Soomaaliyeed ee mar waliba la dilayo, lana dhaawacayo, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ee haatan curatay looga baahan yahay in ay xoogga saarto arrimaha amniga, gaar ahaan midda saxafiyiinta Soomaaliyeed oo ah buu yiri indhaha bulshada iyagoo si mutadawacnimo ah ugu shaqeeya dalkooda iyo dadkooda.

 

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) oo isna ka mid ahaa saxafiyiintii baroordiiqaas ka hadashay ayaa sheegay in sasxafiyiinta Soomaalida uu dulqaadkii ka dhammaaday, maadaama uu ku batay dilalka iyo dhaawacyada, iyadoo aanay jirin buu yiri cid wax ka qabata dhibaateynta saxafiyiinta Soomaalida.

 

Wariye Maxamed Saciid Yuusuf (Yamani) oo isna ka mid ahaa wariyeyaasha Soomaaliyeed ee Uganda ku nool ayaa waxa uu kulankaasi ka sheegay in loo baahan yahay in dowladdu ay amniga saxafiyiinta Soomaaliyeed xil iska saarto, isagoo sheegay in madaxda dowladda amnigooda la sugo oo ciidamo ay la socedaan, sidaas si la mid ahna saxafiyiinta amnigooda si gaar ah xil la isaga saaro si ay u yaraato dilalka loo geysto, ayuu yiri.

 

Sheekh Muuse Maxamed Cusmaan oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaalida ee Uganda ku nool ayaa wuxuu goobta ka sheegay in dedaal weyn loo galo sugidda amniga dadka birimagaydada ah oo saxafiyiintu ay ka mid yihiin, wuxuuna dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay damaanaqaado amniga saxafiyiinta Soomaalida oo noqday kuwa dilalka ugu badan loogu geysto dalka Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 

Ugaas Axmed Faarax oo ku hadlayay magaca odayaasha Soomaaliyeed ee dalka Uganda ayaa wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin dilalka dadka waxgalka sida joogtada loogu geysto dalka Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay dowladda Soomaaliya inaysan ku mashquulin isbedelka siyaasadeed ee dalka ka jira ee ay amniga dalka wax weyn ka qabato.

 

Ugaas Maxamuud Xuseen Jimcaale oo isna ka mid ahaa aqoonyahanadii iyo odayaasha soomaalida oo kulankaas ka hadlay ayaa isna wuxuu kulankaasi ka sheegay in wax laga xumaado ay tahay dilalka saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo dadka waxgalka ah, wuxuuna xusay in saxafiyiinta ay yihiin dad u shaqeeya ummadooda, loona baahan yahay in xuquuqdooda la dhowro, wuxuuna dowladda Soomaaliya ugu baaqay in amniga ay wax badan ka qabato.

 

Kulankaas ayaa waxaa Ilaah looga baryay wariyeyaashii Muqdisho lagu dilay iyo dadkii kaleba in Ilaahay janada fardowsa geliyo, kuwii ku dhaawacmayna Ilaahay caafimaad degdeg ah uu siiyo.

W/Soo diray: – Wariye Axmedsaadaq Yuusuf Maxamed

Kampala, Uganda

_________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login