Shabaab oo faarujiyay Jowhar

Kooxda al-Shabaab ayaa saaka aroorti isaga baxday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in saldhigyada maleeshiyada ay ku lahaayeen magaalada ay haawanayaan, isla markaana la arkayay maleeshiyaad gaadiid saaran oo ku sii jeedda dhinaca gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada ay magaalada ka baxeen iyadoon iska hor imaad dhicin. Ciidamada dowladda federaal-ka ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa jooga meel 2 kiilo mitir u jirta magaalada Jowhar.

Ciidamada oo saaka howlgal kula wareegay deegaanka Qalimoow ayaa la soo sheegayaa inay baaritaanno ka wadaan halkaasi.

Al-Shabaab waxay Jowhar qabsatay sanadkii 2009, xilligaa oo ay eryeen maamulkii Macallin Daahir Calasow oo ka tirsanaa maxkamadihii Islaamka ee Soomaaliya, isla markaana taageerayay dowladda Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.