Xaflad si heersare loo agaasimay oo kadhacday Toronto!

Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa kadhacday magaalada Toronto ee dalka Canada, xafladaas oo Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Toronto ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Prof. Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud.

Jaaliyada Toornto oo aan u kala harin taageerada ay u hayaan dowlada Soomaaliya ayaa muujiyay dareenkooda wadnaniyadeed iyagoo bulshada qeybaheeda kala duwan ayisugu soo bexeen xafalaad.

Waxa qudbado talo soo jeedin, taageero, hambalyo iyo ducaba kasoo jeediyay qaar kamid ah qeybaha kala duwan ee jaaliyada magaalada Toronto.

Waxaa sidoo kale halkaa kusugnaa Fanaaniintoo hobolada Waaberi ee reer Toronto iyo fanaaniintii da’da yaraa, waxaana halka ay kusoo bandhigeen heeso wadaniyad leh, gabayo, iyo guuroowba.

 

Adan S. Awale | Qaranimo Online | Toronto | info@qaranimo.com

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 22, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.