Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo saaka u ruuqaansadey magaalada Jowhar ayaa caawa waxay dib ugu soo laabteen degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe,kadib hawl galo ay kasoo sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka shabelaha dhexe.
Saaka hiirtii waaberi ayaa ciidamada dawlada iyo kuwa AMISOM oo watey gaadiid dagaal ay gaareen deegaan Garsaale oo 20-KM dhinaca waqooyiga kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabelaha Dhexe.
Saraakiisha dawalada ayaa sheegey in ciidamada dawlada ay doonayeen in qiimeeyaan xaalada amaan eek a jirta inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar,aysana wax iska hor imaad ah kala kulmin deegaanadaaasi ay mareen wallow ay soo qabqabteen ciidamo ka tirsanaa Alshabaab oo isku soo dhiibey dawlada.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login