Barashada Wadaniyadda iyo Madaninimada

Abdulkadir Walayo

Qore Abdulkadir Walayo | Saxafi Soomaali |Madaada barashada wadaniyadda waxay xambaarsan tahay mawaadiic dhowr ah ee taabanaya anshaxa suuban iyo aqlaaqda laga rabo qofka magaalo deggan inuu ku dhaqmo halkaasoo ay wada degan yihiin dad isir ahaan kala duwan oo kala jaad ah oo magac qaran iyo astaan dawladnimo wadaaga taasoo si weyn uga duwan nolosha degmada amase tuulada qofka uu shakhsiyan dhalyo ahaan ka soo jeedo ama ka yimid amaseba uu deggan yahay qabiil gaar ah.

Inkastoo qofka bani’aadmiga ee weliba islaamnimada ay diiniyan u dheer tahay waxaa masuuliya ka saraan tahay kownkan aan ku wada nool nahay gebi ahaan, hadana barashada dhaqanka madaniga (civic culture) waxay qeexeysa qofkaasi masuuliyadda saraan, waajibaadka laga rabo inuu fuliyo iyo xaqa uu dalku ku leeyihiin taasoo kuligood ku cad dustuurka dalka uu ku nool yahay lagaga dhaqmo noocuu doono ha ahaadee.

Dadka ka shaqeeya aqoonta madaninimada wadaniyada ku dhisan ee magaalojoognimada (civic education practitioners) waxay mowduuc amase maado qur ah ka dhex doortaan mawadic kala nooc ah oo lagu muujiyo shaqadooda. Waxay doortaan mawaadiic u jeeda waxbarasho ay ruumeysan yihiin inay xambaarsan tahay fariin si balaaran u taabanaysa ujeedooyinka laga leeyahay nooca la rabo ee waxbarasho ee la rabo in markaan liishaanka la saaro.

Mawaadiica amase maadooyinka way badan yihiin waxaanse ka soo xulan karnaa tusalaahan: sida barashada siyaasadda, habka doorashooyinka loo dhigo, tababarka hoggaaminta (leadership training), masuuliyada lagu mareeyo awoodaha, qaabka lagu gaaro hoggaaminta, fariimaha soo jireenka ee barashada nolosha magaalojoognimada sida:

  1. Macnaha demoqaraadiyadda
  2. Doorka, masuuliyadda iyo xuquuqda wadaniga
  3. Maamul wanaag
  4. Habraaca iyo mabad’ida dimoqaraadiyda
  5. Hay’adaha Dustuuriga iyo qawaaniinta kale

Fariimaha aan kor ku soo sheegay ma ahin wax lama taabtaan ah waxaase la soo qaadan kara oo kale wixii mujtamac kaste u gaar ah oo qiyam ahaan uu dhowro.

Ujeedooyinka laga leeyahay Barashada Wadaniyada iyo nolosha magaalojoognimada waxay tahay in muwaadinka lagu geesi geliyo inuu si buuxdo uga qayb galo siyaasada degmada uu ku nool yahay iyo mida dalka guud ahaan iyo inuu qofku u qoolan yahay qiyamka ma dhaafaanka ee asaasiga ee caqiidada diinta Islaamka gaar ahaan marka laga fiiriyo xaalada dalkeena Soomaaliya uu maanta marayo.

Hadaba ayaadoo maanka lagu hayo qasdigan shaqo, ayaa dadka ku hawlan barashada wadaniyada iyo nolosha magaalojoognimada waxay qorsheeyaan oo ay soo saaraan barnaamijyo waxbarasho oo ku aada nolosha madaniga oo si qaro weyn muqararkooda waxbarasho uu kala duwan yahay isla markaana la tixgeliyo duruufaha uu gaar ah wadan kasta.

 Waxaa jira wadamo muqararkda degsiyadooda ay ku jirto maadada barashada wadaniyada iyo madaniyada inta u dhaxaysa min dugsi hoose ilaa jaamacad tiiyo heerarkaas wixii kacanaaka ka horeeyaya hannaanka waxbarashada heerakeeoda kala duwan waxaa lagu baran jiran madaada barashada wadaniyada iyo dhaqanka madaninimada, taasoo door weyn ka cayaaraysay sare u qaadida doorka qofku ku leeyahay horumarinta mujtamaca heer kaste amase mansab kaste uu ka jooga sida, siyaasi, aqoonyahan, hoggaamiye, xildhibaan, maal-qabeen ama ganacsato, arday, ciidan iyo meherad kasto uu qofku noloshiisa ku mareeyo ilaa xamaali ama kuuli.

Hadaba, waajibka saran iyo xuquuqda uu leeyahaya qofka wadaniga ah waxaa ka mid ah:

Xuquuqda:

Qof kastoo muwaadin ah waa inuu helo xuquuq xagga sharciga sida inuu helo garsoor caadil ah, in laga difaaco kala faquuqa, inuu ku noolaan karo dalka meeshuu ka doono, iyo inuu helo xoriyadda fekerka iyo kulanka nabada ku dhisan, inuu musharax doorasho isu taagi karo isla markaana wax uu dooran karo, inuu heli karo basaaboor uu ku dhoofo iyo inuu dalka ka bixi karo markuu doono isagoo xor ah iyo inuu heli karo wax damaano qaadi kara inta uu dalka dibediisa joogo tiiyo laga ilaalinayo tacadi inay cid kale ku sammeyso. Hawshan dambe sida badan waxaa qabta safaaradaha, qunsuliyadaha iyo ergooyinka dibloomaasiyada ee dalka ka masala wadama dibeda.

Ma banaano xaqa qof amase xuquuqda koox ay ku xad-gudbaan ama wax u dhimaan xaqa uu leeyahay qof ama xuquuqaha ay leeyihiin koox kale. Sida daraadeed, ayaa waxaa ma huraan ah in maxkamadaha ay fasasir waqtiyeysan ka bixiyaan xeerarka lagu dhaqmayo si loo xaqiijiyo inuu xeerku u hirgeliyay si aan mugdi jirin.

Waajibaadka iyo masuuliyada saraan qofka wadaniga ah waxaa ka mid ah:

  • · Inuu wax dooran karo lana dooran karo
  • · Inuu kaalmo u fidin karo dadka kula dhaqan degmada
  • · Inuu difaaco dalka haddii debeda laga soo weeraro
  • · Inuu ilaaliyo gashaanna u noqdo dhowrista deegaanka iyo dhaxalka qadiimiga ah ee dalku leeyahay
  • · Inuu u hoggaansan yahay sharciga
  • · Inuu si xor ah u muujin karo fekekiisa/ray’yigiisa ayadoo uu dhowrayo xuquuqda iyo xoriyaadka dadka kale kuna jooga mar kasta anshaxa suuban oo fekerka loo muujiyo la iskana ilaaliyo meel-ka-dhac iyo dhag-xumo cid kale loo jeediyo
  • · Inuu dabargooyo dhamaan kala faquuqa iyo cadaalad darrada nooc kasto ay tahay – mid duug ah iyo mid cusub.

Qofka wadaniga ah xilka saaran waa ka badan yahay inuu codkiisa dhiibto una hoggaansanaado sharciga oo keli ah. Waa inuu muwaadinku ku lug lahaado horumarinta degmada uu ku nool yahay iyo dalka guud ahaan. Qof kasto wuxuu hibo u leeyahay wax uu dalkiisa iyo loogi karo si dalku u noqdo meel si wacan dadku ugu wada noolaan karaan.

Sidaa darteed, waa inuu muwaadinku ku biiro koox degmada ka mid ah sida, tusaale, kooxda deegaanka ilaalisa (environment conservation and protection group), kooxaha samafalka (Welfare Group), mutadawiciinta ka shaqeeya ololaha doorashooyinka musharaxa ay raacsan yihiin, kaalmeynta deriska, la shaqeynta kuwa kale ee la degamda ah sidii loo xallin lahaa mushkilo markaas ka dhex jirta degamda, aaloosida guutooyinka qaabilsan ka hortagga khilaafaadka, gurmadka masiibooyinka iyo wixii kale ee la mid ah.

Muwaadinku inuu u hoggaansan yahay dhamaan arrimaha aan kor ku soo sheegnay ka sokow, waxaa muwaadinka laga rabaa inuu dhaar ku maro oo wacad ku qaado inuu u hoggaansanaanayo xeerarka kale ee dalka lagaga dhaqmo.

Ayadoo ay masuuliyadaasi dadka oo dhami ay wada saaran tahay, haddana waxaa si gaar ah tusaale u soo qaadan karnaa doorka macallinku ku leeyahay mujtamaca oo si weyn oo aad ah u ballaaran.

Doorka macallinku ku leeyahay mujtamaca aad ayuu uga ballaran yahay marka laga fiiriyo doorka ay wadaniyiinta kale ku leeyihiin wadan kasta.

Macallinku waa barbaariyaha ubadka berri hoggaanmin doona dalka hawshaasna ma ahin mid uu qof kasto qaban karo.

(Tusaale dhow: Macallin Abdirahmaan Abdulle Shuuke wuxuu Macallin u noqday Guddoomiyaha Barlamaanka Prof. Mohamed Osman Jaware isagoo Jawaare 13 jir mar Abdurahman Shuuke faalo ka bixinayay aqoonta u leeyahay Guddoomiye cusub ee Barlamaanka. Macalin Shuuke wuxuu asaaska u dhigay aqoonta uu gaaray Prof. Jawaare iyo xilalka uu ku soo qabtay waayo kolkaas waxaa lagu qiyaasi kara waqtiga inuu Jawaare ku jiray Dugsiga Hoose.

Macallin Shuuke waa tusaale, waxaase aan tiro lagu sheegi karin macallimiin kale oo sidaas oo kale dad u soo tacbay.

Sidaas si la’eg hadda waxaa jooga arday uu wax soo baray Prof. Jawari, taana waxay daba joogta fekerkii Cali Ibn Abu Daalib, Wejigiisa Eebe ha karaameeyo oo ku yiri: “Ku guuleyso cilmiga jaahilna ha ka noqon, Dadku weyn geeriyoodaan, dadka cilmiga u saaxiibka ahse wey nool yihiin”. Taas waxaa looga jeeda qofka macallinka ah hadduu xitaa geeriyoodo waxa mar kasta nolosha ku dambeeya dadkii uu soo tacbay inay aqoonta u fidinayaan jiilaalka kale ee is xigxiga oo dhalaanaya.

Sida aadanaha kale, macallinku wuxuu si wacan u soo barbaariya hooyo iyo aabe kuwaasuna waa saldhigga iyo isha ay ka soo burqanayso dareenka wadani ahaan waxa macallinku mujtamaca iyo dalkiisa guud ahaan.

Hawsha macallinka oo ka soo bilaabanaysa higaada iyo meeriska dhallaanka yar yar mar ay bilaabaan dugsiga xanaanada iyo heerarka kale ee kala duwan ee waxbarashada ilaa heerka jaamacada ma ahin hawl sahlan oo waxay u baahan tahay samir iyo dulqaad xad-dhaaf ah sifahaasna ma ahin mid qof kasta uu heli karo.

Sida darteeda, macallinka waa inuu muuna la bidhaansado u noqdo mujtamaca intiisa kale oo hawsha u gaarka ah ka sokow, waa inuu macallinku ka qayb qaato hawlaha iskaa wax u qabso oo loogu daneynayo mujtamaca iyo dalka guud ahaan.

Dalladaha waxbarashada waa inay ku tala galaan inay mar kale muqararka waxbarashada ay ku daraan maadada wadaniyada iyo macnaha ay magaalojoognimada fiicani leedahay qaranka guud ahaan (Civic Education and the citizen’s role and responsibilities in his/her nation).

Madaxweynaha cusub ee Somalia, Prof. Hassan Sheikh Mohamoud oo Bare iyo Aasaaseba ka ahaa Machadka SIMAD wuxuu wax soo baray oo ku soo barbaariyay machadka kana soo aflaxay arday badan waqti dalka ay ka jiraan xaalada adag oo dagaal oo aaney ardaydu u saamaxayn inay wax ku bartaan deegaan xasiloon. Madaxweynaha wuxuu ka soo jeeda qoyska Bulshada Madaniga ee mudada dagaalada sokeeye ka shaqeynayay musaalaxada, deminta colaadaha iyo xallinta khilafaadka dalka ka jiray welina u baahan in loo helo xal waara.

Aden Walayo oo ka mid ah ardayda ka soo aflaxday SIMAD ayaa ii sheegay in Prof. Hassan Sheikh uu gali jiray fasal kasto xisada macallinka fasaalkaasi lahaa uu ka maqnaado sababo badan dartood, taasoo docda kale ay macnaheedu yahay maamulka machadka ka sokow, inuu tabashiirta qaadan jiray marka loo baahda.

Professorka Madaxweynaha loo doortay waxaa looga fadhiya inuu dadka oo hadda u badan dad magaala-joognimadu amase madaninimadu ku yar yahay inuu baro maadada wadaniyada iyo magaaljoognimada fiican si dadka maskaxdooda looga saaro fekerka cadaalodarrada ku dhisan ee 4.5 ee meel laga soo guuriyay aan ilaa hadda la sheegi karin.

Prof. Hassan iyo Prof. Jawaari ha tuurina tabashiirta bacdamaa laydinka sugayo inaad wax bartaan dal dadkiisu dagaalo iyo aafooyin dabiici ay halakeeyeen.

Waa inaad horseedaan mujtamac ku dhisan cadaala iyo shaqo si loo soo celiyo kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ee ku luntay dagaalada sokeeye si looga maarmo taageeri gacan shisheeye oo haba yaraatee aan melena lagu gaareyn laakinse na dhaxalsiin karta gunnimo iyo gumeysi dalka la geliyo.

Professors don’t throw away the chalk since we expect you teach a big classroom – the Somali country and its people..

Abdulkadir Walayo | Saxafi Soomaali | E-mail: walaayo@yahoo.com

_____________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 23, 2012. Filed under Opinion / Fikrad. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Barashada Wadaniyadda iyo Madaninimada

  1. Heer sare. Aad iyo aad ayaad u mahadsan tahay mudane. Waa qoraal waxtar leh.