Aqristayaasha isboortiga qormadeyda maanta waxaa ku eegayaa magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil iyo goobaha lagu qaban doono cayaaraha Olympic sanadka 2016, si aad ula socotaan diyaargaroowga ka socdo dalka Brazil oo lagu wado inuu marti galiyo cayaaraha Olambikada Aduunka (Olympic Games)
Cayaaraha Olympic-da waxaa lagu qaban doonaa magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil, gaar ahaan xaafada ugu caansan ee Barra da Tijuca, .Barra da Tijuca waa meel xeeb ah o lehna harooyin fara badan iyo wabiyo waaweyn islamarkaana saaran koonfurta galbeed ee badda Atlantic Ocean.
Waxaa halkaasi ku yaal goobo loo dalxiis tago oo qaali ah iyo deegaano ay degan yihiin dadka ugu qanisan dalka Brazil, waana meesha ugu nabadgalyo badan magaalada Rio de Janeiro iyo guud ahaan wadanka Brazil.
Rio de Janeiro ayaa noqoneysa taariikhda magaaladii ugu horeysay ee lagu qabto cayaaraha Olympic Aduunka ee Qaarada South America.. run ahaantii waa magaalo aad u qurux badan oo diyaargaroow ugu jirto sidii ay u marti galin lahyed laga bilaabo 5 Agoosto 2016 ilaa iyo 27 Agoosto 2016 cayaaraha Olympic.
Waxaana lagu furi doonaa oo lagu xiri doonaa cayaarahaan garoonka ugu caansan dalka Brazil ee Maracanã Stadium, iyadoo guud ahaanba magaalada Rio de Janeiro ay ka dhici doonaan inta ay socdaan cayaaraha 306 munaasabadood iyo 28 noocyo sports oo kale duwan oo ay ku baratami doonaan kumayaal ciyaartooy oo dunida dhan isaga yimid ayna wehliyaan wufuuda marti sharaf ka socoto caalamka oo dhan iyo dabcan malaayiin taageerayaal ah
Halku dhiga cayaaruhuna wuxuu noqon doonaa ”Live your passion” ama ”Viva sua paixão”, sidoo kale Brazil waxa kale uu noqdey wadankii ugu horeeyay oo ku hadla afka Lusophone ama luuqada Portuguese ee ku guuleysta inuu marti galiyo cayaaraha Olympic, magaaladana Rio de Janeiro waxaa loo soo gaabiyay Rio 2016.
Ciyaaraha inta ugu badan iyo degaanka ciyaartooyda, macalimiintooda iyo dadka la socda waxaa la dejin doonaa tuulada Olympic ”Olympic Village” degmada Barra da Tijuca, iyo sadax gobood oo kale oo ka baxsan Barra da Tijuci ayaa iyana lagu qaban doono tartamada qaarkood, kuwaasoo kale ah Copacabana Beach, Maracanã iyo Deodoro.
Waxaa intaasi dheer garoomada Maracanã Stadium iyo Engenhã in cayaaraha kubadda cagta ay ka dhici doonaan magaalooyinka kale iyo garoomo kale, kuwaasoo kale ah:
Salvador (Arena Fonte Nova), São Paulo (Arena de São Paulo), Belo Horizonte (Estádio Mineirão) iyo Brasília (Estádio Nacional de Brasília).
Waxaa xusid mudan in garoomadaan ay yihiin garoomada cayaaraha Aduunka 2014 ee kubadda cagta wadanka Brazil ay u qorsheysteen inay ku qabtaan koobka Aduunka
(2014 FIFA World Cup).
Goobaha kale ee muhiimka ay ka dhici doonaan tartamada cayaaraha Olympic ayaa la soo bandhigey, waxayna kale yihiin :
Furitaanka iyo xiritaanka cayaaraha Olympic Rio 2016 iyo garoonka Maracanã Stadium.
Cayaaraha fudud (Athletic events) waxay ka dhici doonaan garoonka Engenhão (João Havelange Stadium.
Cayaaraha Diving iyo Water Polo oo lagu qaban doono Maria Lenk Aquatic Center.
Cayaaraha Open water swimming, Triathlon iyo Beach volleyball.
Cayaaraha Artistic gymnastics, Rhythmic gymnastics, Basketball iyo Trampoline oo iyana wadaagi doona garoonka HSBC Arena.
Cayaaraha Marathon iyo Archery oo lagu qaban doono garoonka Sambadrome.
Ciyaarta Volleyball oo lagu qaban doono garoonka Maracanãzinho Gymnasium
Cayaaraha Rowing iyo Canoeing oo wadaagi doono Lagoa Rodrigo de Freitas.
Tartanka Sailing oo lagu qaban doono Marina da Glória,
Dalka Brazil oo ah wadan aad ugu horeeya cayaaraha noocyadiisa kale duwan ayaa la filayaa inay si weyn oo qurux badan ugu soo bandhigaan martigalinta cayaaraha Olympic wadankooda, islamarkaana furitaanka iyo xiritaanka ay sameyn doonaa ashcaro aad looga heli doono,madaama wadankaas ay caan ku yihiin Carnival dunida dhan looga yimaado, xaga amniga ayaa ah mid si weyn looga shaqeynaayo,madaama magaalada ay ku nool yihiin burcad si weyn u hubeysan oo ka howlgala ka ganacsiga muqaadaraadka iyo tuugo qatar ah oo caan ku ah afduubka dadka dhaqaalaha leh,kuwaaso madax furasho badan ka haley mudooyinkii ugu dambeeyay, balse IOC waxay kalsooni buuxda ku qabaan in amaanka cayaaraha ay sugi karaan dowlada dalka Brazil iyo ciidankeeda, inta ay socdaan cayaaraha Olympic, halka dowlada dalkaas ay xaqiijiyeen inay wadankooda hore ugu soo qabteen tartamo caalami ah, welwelna aysan ka qabin shufto.
W/D:Yusuf Yusuf
London
_____________________________________________________
![]()
|
![]() |
Socialize