Everton oo si KMG Kaalinta 2 ku Qabatay iyo Chelsea oo dirqi kaga baxsatay Stoke City
Waxaa shalay la ciyaaray Kulamo ka Tirsan Lugta 5 ee Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 waxaana Kulmadii la ciyaaray Guul muhiima Gaaray Kooxda Everton oo ka Talaabsatay Kooxda Swansea ka dib Markii 3-0 uga Badisay sidaan KMG ugu Xaqiijisay Kaalintaay 10 dhibcood 5 kulan oo ay Safteen.
3 gool e Everton ay ku Xasuuqeen Swansea oo Gurigeeda la Joogaywaxaa kala dhaliyay 2 qeybood ee Ciyaarta Ciyaaryahanka Reer Neyjeriya una sita Lambarka 28 Anichebe Daqiiqadii 21.sidoo kale Goolka 2 waxaa dhaliyay Ciyaaryahan Mirallas Daqiiqadii 43 waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 2-0 looga horeeyo Swansea.
qeybtii Labaad Markii la isagu soo noqday Goolkii 3 waxaa u dhaliyay Everton Xidigooda Reer Biljamuna sita Lambarka 25 Fellaini.
Goolhayaha Qaranka USA kubadana uq abta Naadiga Everton ee ka dhisan Magaalada Liverbool ee dalka Ingiriiska Goolhaye Howard ayaa ka badbaadiyay Swansea Fursado ay ku soo weerar galeen isagoo 2 kubadood oo qatar aha ka bixiyay Goolka Everton.
Sawansea oo hoos ud ahc uu ku yimid 2 kulan ee ugu dambeeyay ayaa caga cageyneysa 7 dhibcood oo lagu dhaafay.
Everton waxa ay Kaalinta 2 kala booday Man utd oo 9 dhibic leh Balse Axada ciyaar adag wajihi doonta Kooxda Liverbool,hadii ay kulankaasi badisana ku soo noqon doonta Safka Hore amaba Hogaanka Qaban doonta
kulankii la wada sugayay ee u dhaxeeyay Chelsea vs Stoke city kana dhacay Garoonka Stambford BRIdge ee Naadiga Chelsea aaya ahaa mid adag waxaana qeybtii hore labada kooxdood iska qasaariyen Fursado muhiima oo Goolal lagu filan karay iyadoo qeybtii hore ay kusoo idlaatay 0-0.
qeybtii danbe markii la isagu soo noqday Kooxasah Chelsea iyo Stoke City midkasta waxa uu sameeyay isku dayokala duwan hase ahatee Koxdii Martida looa aha e Chelsea ayaa difaacooda Baalka Bidix A.Cole u dhaliyay Daqiiqadii 85 golkii Guusha waxana Ciyaartii ay ku soo Gabagabowday Chelsea oo 1-0 dirqi ah uga badisay Stoke City.
Kooxda Chelsea waxa ay ku Hogaamineysaa Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 13 dhibcood Kaalinta 2 wax si KMG u haay Everton oo leh 10 dhibcood waxana Kaalintaan Dagaal ugu jira sidii ay ku Cariirsan Lahaayeen Kooxaha Man utd,Man city iyo arsenal
Koxda West BRom oo Madaxa la soo kacday ayaa leh 9 dhibcood waxana ay Kaalinta 3 kuwada jiraan Man utd oo leh 9 dhibcood Balse heysata Ciyaar Baaqi ah oo ay bari ciyaari doonaan Axada,Koxaha Man city iyo arsenal oo iyaguna Balansan Axada ayaa wada leh min 8 dhibcood waxaan laga tagi doonaa kooxdii laga badiyo oo dhowr kooxood hogaanka ka heyn doonaan.
Kulmadii kale ee dhacay Maanta Kooxuhu sidatan ayey isku arkeen.
West ham vs Sunderland 1-1
Wigan vs Fulham 1-2
Southampton vs ASTON VILA. 4-1
West Bromwich vs Reading. 1-0
Horyaalka Ingiriiska waxaa 13 dhibcood ku Hogaamineysa Kooxda Chelsea e uu wato Tababare Di Mattio.
Waxaa Diyaariyay.
Axmed Maxamed cabdulle’Uurdoox’
Uurdoox2011@hotmail.com
![]() |
You must be logged in to post a comment Login