Al Shabaab ayaa waxay shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay madaxa isku gelineyso Beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen, oo labaduba ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka degga.
Dowladda Kenya oo shalay leysay ilaa sideed ruux oo ka soo jeeda Beesha Mareexaan, ayaa waxay Al Shabaab sheegtay in Dowladda Kenya ay la-safatay Beesha Ogaadeen, halka ay ka soo horjeedsatay Beesha Mareexaan.
Sheekh C/Naasir Yuusuf Cabdalla oo ka mid ah Saraakiisha sar sare ee Al Shabaab ee Gobolada Jubbooyinka, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay cadeysatay inay la-safatay buu yiri Beesha Ogaadeen.
Sheekh C/Naasir ayaa sheegay in dhacdadii shalay ka dhacday Gobolka Jubbada Hoose, ay cadeyneyso in Dowladda Kenya ay ku soo duushay buu yiri Beesha Mareexaan, taasoo uu sheegay inay tahay wax aad looga carooday.
Sidoo kale Beelaha Mareexaan iyo Ogaadeen ayaa wuxuu sheegay haddii ay kahor taggi waayaan khatarta kaga soo wajahan Dowladda Kenya, ayaa wuxuu sheegay in labada Beelood ay dhex mari doonto wax aad u foolxun.
Dowladda Kenya ayaa waxay horey iskaga fogeysay inay la-safatay Beesha Ogaadeen, iyadoo markaasi ka soo horjeeda Beesha Mareexaan, iyadoo labadaasi Beeloodba ay deggaan Gobolada Jubbooyinka.
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login