BRAKING NEWS.. Dagaal Afgooye kasoconaya

Dagaal khasaaro geystay ayaa waxay markii ugu horeysay Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Amisom ay ku dhex mareyn inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Labada dhinac ayaa waxay ku dagaalameyn Dalcada Lafoole oo ku taalla Deegaanka Lafoole, isla-markaana dagaalka dhex maray ayaa yimid markii Amisom ay isku dayeen inay goobtaasi ka qaadaan, isbaaro u taalay Ciidamadda Dowladda,balse ay ka soo horjeesteen Ciidamadda Dowladda.

Ciidamadda Amisom ayaa waxay goobtaasi ku dileen afar ka mid ah Ciidamadda Dowladda Soomaaliya, iyadoo tiro kalana ay soo gaareyn dhaawacyo kala duwan.

Sidoo kale goobtaasi ayaa waxaa ku dhimatay qof dumar ah oo goobtaasi ka ag-dhaweyd, taasoo uu wax-yeelo daran ka soo gaaray rasaastii ay isku adeegsadeen Ciidamadda Dowladda iyo Ciidamadda Amisom.

Ciidamadda Amisom ayaa waxay sidoo kale gubeen gaari Tikniko ah oo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya u taalay Deegaanka Lafoole, iyadoo Ciidamadda Dowladda ay goobtaasi xilligaan iskaga kala firxadeen.

Ciidamadda Amisom ayaa waxay la-wareegeen goobtii ay Ciidamadda Dowladda Somaliya ku dhibaateynayeen gawaarida ay la-socdaan shacabka u kala safraaya Magaalada Muqdisho iyo Afgooye.

_____________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login