Ciidamo kawada tirsan dowlada oo isku rasaaseeyay Lafoole

Is rasaaseyn ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex martay deegaanka Lafoole ee Gobolka Shabellaha Hoose, kaasoo dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac.

Labo askari ayaa ku dhimatay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen iska hor imaadka dhex maray labada ciidan oo socday muddo nusa saac.

Dad goob joogayaal ayaa sheegay in labada ciidan ay isku maandhaafeen isbaaro lacago looga qaadayay deegaanka Lafoole.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa markii dambe soo kala dhex galay labada ciidan oo lagu guuleystay in la kala qaado.

Xaalada ayaa la soo sheegayaa inay tahay mid degan, waxaana saraakiisha dowladda ay kala dhex dhigeen labadii ciidan ee dagaalamay ciidamo kale oo ku sugan halkii lagu dagaalamay.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa cabasho ka soo baxayay gaadiidleyda iyo dadka ku safra wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo isbaarooyin fara badan ay soo dhigteen Ciidamada dowladda.

___________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login