Warsaxaafadeed ka soo baxcay gaashaandhiga dalka Kenya ayaa looga hadley dad rayid ah oo ciidamada Kenya ku dileen Tuulada Janaay Cabdalla maalintii shalay.
Warsaxaafeedka ayaa lagu sheegay in saacaddu markey ahayd Shalay (Axad) 13:30 Ciidamo ka tirsan al-Shabaab ay weerar ku sooqaadeen ciidamo koox ah oo ka tirsan kuwa Kenya kuwaas oo biyo la doontey dad rayid ah, waxaa weerarkaas ku dhaawacmey 5 qof oor ayid ah iyo hal askeri oo cidanka Kenya ka tirsan.
Sida lagu yiri warsaxaafadeedka gelinkii danbe ayaa dhawr qof soo gaareen dhufeys ay iska lahaayeen ciidanka Kenya, kadibna askeri ka mid ah kuwa Kenya ayaa rasaas ku furay, waxaana uu ka diley 6 qof.
Askerigii ayaa la sheegay in hubkii laga qaadey isla markaana gaar laga qabtey.
Saraakiisha ciidanka Kenya, kuwa Soomaaliya oo wadasocda ayaa qaadaya baaritaan, macnaha ka soo baxana waa la shaacin doonaa, waxaana la qaadi doonaa talaabo ku habboon.
Warsaxaafadeedka ayaa ugu danbeyntii Xooga difaaca ee Kenya KDF u tireen tacsi dadkii waxyeeladu ka soo gaartey xasuuqaas.
Xasuuqa loo geystey dadka rayidka ayaa waxaa daaha ka qaadey Afhayeenka ciidanka Soomaalida ee Kenya ka barbardagaalamaya, kuwaas oo sheegay in aysan u dulqaadanaqyn in dad shacab ah la iska laayo.
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login