Kulankii Baarlamaanka oo looga hadlay arimo xasaasi ah

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku yeelanaya magaalada Muqdisho kulankoodii u horeeyay tan iyo markii 10-kii bishan ay doorteen Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay kulan ku yeelanayaan Xarunta Golaha shacabka, inkastoo aanu ka hadlin ajandaha looga hadlayo.

Kulanka maanta ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo habeen hore magaalada Muqdisho lagu dilay mid ka mid ah Xildhibaanada cusub ee dhowaan la dhaariyay.

Warar ku dhow dhow gudoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in ajandayaasha kulanka looga hadli doono ay qeyb ka tahay ammaanka Xildhibaanada, iyo sidii Hey’adaha ammaanka wax uga qaban lahaayeen amniga Caasimada.

Al-Shabaab ayaa ku hanjabtay inay ugaarsan doonto Mudanayaasha Baarlamaanka, kadib markii ay sheegatay inay ka dambeysay dilkii Xildhibaan Xaaji Mustaf Maxamed Cabdullaahi oo Sodog u ahaa Madaxweynihii hore.

Ammaanka Xarunta Golaha shacabka ayaa aad loo adkeeyay, halkaasoo horay ugu sugnaayeen Ciidamada AMISOM, hase ahaatee Ciidamada booliska iyo kuwa nabadsugida ayaa saaka lagu arkayay agagaarka taalada Sayidka ilaa guriga Umada.

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login