Wareysi Dinacyo Badan Taabanaya oo Mid ka Mid Ah Musharaxiintii Xilka Madaxwaynimd oo Ku Tilmaamay Baarlamaanka in ku Socodo Wadadii Ahayd Shaahii Shaqlan

Wareysi Dinacyo Badan Taabanaya oo Mid ka Mid Ah Musharaxiintii Xilka Madaxwaynimd oo Ku Tilmaamay Baarlamaanka in ku Socodo Wadadii Ahayd Shaahii Shaqlan

Mudane C\Kariim Jiirow Sharmarke oo ka mid a’haa musharaxiintii u taagnayd xilka madaxwaynaha kana mid a’haa sarakiishii sare-sare ee xooga dalka kana soo shaqeeyey dhowr wasaaradood Ayaa Shabakadda qaranimo.com wareysi ka Qaaday isagoo jooga Magaalada Washington ee Dalka Maraykanka

1 Su’aale. Sideed u argtaa xilka madaxwaynaha cusub ee Soomaliya xasan sheekh?

Jawaab .anigu shaqsiyan ma garanayo laakiin 3 maado ayuu ku guuleysan karaa,1. isagoo u magacaaba R\W prof samater oo ah nin kala fur-fur kara xargaha isku xiran ee siyaasada soomaliya mucaaradka asmara joogana dowlada ku soo dari kara 2. isagoo wajaha oo soo kooba waxa soomliya u kici la’da 20kii sano ugu danbeeyey oo marba mid siiba 4ta gantaal oo ku soo jeeda oo qof kasta ku saaqiday mudadaas 3.isagoo xooga saara ciidan amaanka sidii ey ku hanan lahayeen dalka oo dhan .
Laakiin hadii uu ku celiyo wiilashii hore oo aan waligood dowlada ka soo shaqeynin halkii laga filayey hoos ayuu ugu dhacay.

2.Su’aal waxaa la dhisay baarlamaankii ugu tayo badnaa ee dalka yeesho oo qof kasta ku jiro maxay kula tahay?Jawaab. Tayadu waxay ku xiran tahay waxa ey ummadda u qabtaan gaar a’haan hadey joojiyaan suntaan soomalya maalin kasta la siiyo ee qaadka oo daroogada ah ey ku baxdo 400 oo kun oo dollar maalintii oo aduunka oo dhan mamnuuc ka ah iyo biyo la’aanta ka taagan wadanka oo malaayiin ku baxdo iyadoo xitaa ceelashii xamar ey duugmeen iyo waxa ey ka qabtaan dastuurkan sanka layska galinayo.hadeey intaas fulin waayaan waxa ey noqonayaan shaahii shaqlan reer waqooyiga ayaa waxa ey yiraahdaan wixii aan dhadhan lahayn waa shaahii shaqlan.

3.Suaal. soomaliya oo qaadatay hab federaali ah ma laga yaabaa in ey ka fiicnaato wadamada gobolka ?

Jawaab. Aduunka inta federaal jirta meel soomaliya ka soo gasho majirto tusaale wadanka qabiil leeyahay buundooyinka, ama dekadaha , ama garoonka dayuuradaha bal ii sheeg? Majirto waxaa dhacday in diyaarad dad raaci la’haa la yirir ninka beeshayda ma aha oo halkan kama dhoofi karo 4 magaalo ayaa lacagta iyo b\boorada soomalida lagu sameystaa ninman NGO ah oo wata b\boor soomali ah oo diplamaat ah ayaan arkay iyo waliba gobolkasta in uu yeerto ajnabiga yaa baaray caafimaadkooda horumar uma arko ee fowdo iyo kala tag.

4. Suaale . madaxwayne shariif oo xukunka ka dhamaaday xukuumadiisii sideey u aragtaa?

Jawaab. Shariif waa nin fiican oo daacad ah laakiin waxii la shaqeynayey ayaa markasta talo qaldan siin jiray waayo tusaale in uu wadahadal la galo qolyahay ka soo hor jeeda iyo markii uu diiday 6 kun oo ciidan ah oo turki ah si ey tababaraan ciidanka wadankana qabtaan,ilaa maanta ciidan afrikaan ah ayaa ku sooqolqolya oo qof cafimaadkooda baartay ey san jirin,mar hadii lagu xukamayo nin xoole leh haku xukumo afrikaan adiga kaa liita maxuu kutari.dowladii shariif waxaa ladagay wixii ey ku shiraan oo qoorsheeyaan shabaab waa ogtahay, soomaliduma waxay tiraadaa “warka ogaadeen ogyahay amxaarona way ogtahay.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 24, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login