Ciidamada Jabuuti AMISOM oo lawareegay Beledweyne

Ciidamada Jabuuti ee ka tirsan kuwa AMISOM ayaa maanta la wareegay amaanka qeybo ka mid ah magaalada Baladweyne.

Ciidamadaan oo gaaraya boqolaal askari waxa maanta ay la wareegeen amaanka xaafada H/wadaag waxaana halkaasi ay kala wareegeen ciidamada Itoobiya oo wali ku garsan saldhigyo muhiim ah oo ka tirsan Baladweyne.

Ma jirin wax munaasabad ah oo loo sameeyey kala wareejinta labada ciidan maadaama arrintu ay aheyd mid milatari.

Ciidamada Itoobiya ayaa sii joogi doono ilaa askarta Jabuuti ay si tartiib tartiib ah ula wareegayaan amaanka sida uu sheegay sarkaal ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan.

Jabuuti ayaa u xilsaaran amaanka Baladweyne kadib marki ay AMISOM kala qeybsadeen deegaanada kala duwan ee dalka Soomaaliya oo ay u kala qeybsadeen afar Zone.

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login