Deg deg : Madaxtooyada oo beenisay in Ra’isul wasaare loo magacaabay Farmaajo

Mogadishu Madaxtooyada Soomaaliya ayaa War iminka kasoo baxay waxaa lagu beeniyay jiritaanka Warar goor dhawayd la isla dhex marayay oo sheegayay inuu madaxweynaha Soomaaliya ku dhawaaqay magaca qofka noqonaya ra’isul wasaaraha dowladiisa.

Sarkaal u hadlay madaxtooyada oo lagu magacaabo Suldaan Axmed Faarax ayaa isagoo Warbaahinta Maxaliga ah la hadlayay wuxuu sheegay inaan wali lagu dhawaaqin ra’isul wasaaraha. Wuxuuna tilmaamay inay soconayaan wada xaajoodyo uu madaxweynuhu la leeyahay Xildhibaanada Baarlamanka iyo dhinacyada kala duwan ee bulshada si looga wada tashado qofka ku haboon in xilkaas loo magacaabo.

Goor dhawayd ayaa waxay Warbaahinta qaarkood shaaciyeen War sheegaya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo mar soo noqday ra’isul wasaaraha Soomaaliya uu madaxweyne Xassan Sheikh u magacaabay inuu noqdo ra’isul wasaaraha cusub ee dowladiisa.

Magacaabista Farmaajo waxay haraysay guud ahaan magaalada Muqdisho oo dadku ay Daqiiqadihii lasoo dhaafay arrintaas wax iska waydiinayeen. Hase yeeshee waxaa Warkaas si cad u beeniyay Madaxtooyada.

Madaxtooyadu waxay Ciidamada dowladda Soomaaliya ugu baaqday inaanay wax Rasaas ah kor u ridin iyagoo u dabaal-dagaya magacaabista ra’isul wasaaraha marka ay taasi soo baxdo. Waxaana uu sababta arrintaas ku sheegay in looga feejignaanayo inay dhinacyada amni darada doonaya ay ka faa’idaystaan rasaastaas.

Daryanka Rasaasta ayaa goor dhaw laga maqlayay qaybo Muqdisho ka mid ah iyadoo lagu sheegay inay ahayd mid loogu dabaal-dagayay Wararka ay madaxtooyadu beenisay ee sheegaya in Maxamed Cabdullahi Farmaajo loo magacaabay ra’isul wasaaraha dalka.

 

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login