Ra’iisul Wasaarihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ka mid ah ragga sida aadka ah u quudareynaya inuu mar kale noqdo Ra’iisul Wasaare ayaa beeniyay warar si weyn la isla dhex marayay oo sheegayay in loo magacaabay Ra’iisul Wasaare.
Farmaajo oo wareysi siiyay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in aanay wali soo gaarin wax warbixin oo isaga lagu magacaabo, isagoo xusay in Madaxweynaha uu wada tashiyo wado.
“Aniga ma helin wax warbixin la igu magacaabo, waxaa iska qiyaasayaa wax sax ah oo soo baxay ma ahan, Madaxweynaha wada tashi ayuu wadaa, waqtigiisa haloo daayo”ayuu yiri Farmaajo oo ka dhawaajiyay inuu ka mid yahay shaqsiyaadka daneynaya.
Mr Farmaajo ayaa ugu baaqya shacabka inay is dajiyaan, isla markaana aanay jirin wax si rasmi ah u soo baxay.
“Waa daneynayaa, wax sax weeyaan, laakiin waxa hada dhacaya wax rasmi ma ahan, dadweynaha waxaa leeyahay guryihiina ku noqda”ayuu yiri.
Rasaas badan oo dadweynaha qal qal geliyay ayaa is qabsaday magaalada oo idil markii suuqa ay soo galeen wararka been abuur ahaa oo ku saabsanaa in Farmaajo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare.
Shaqsiyaadka loo hadal haayo xilka Ra’iisul Wasaaraha ayaa u badan beesha uu ka soo jeedo Farmaajo, kuwaasoo ay ka mid yihiin Maxamed Barre, Doodishe, iyo shaqsiyaad kale oo ka soo jeeda Maamulka Puntland.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login
dadka soomaaliyeed waxay dan ugu jirtaa farmaajo,
sababtoo ah waa nin wadani ah ,farmaaje waxaa neceb dadka wanaaga ka soo horjeedo,waana kuwa rabo xaqdaro.
Farmaajo waxaa jecel dadka xaqa iyo cadaalada rabo .
waxaa ku soo celaa farmaajo waxow dan u yahay dadka soomaali oo dhan.
illaahayna waxaw la jiraa farmaajo sababtoo ah waxow wadaa xaq iyo daacadnimo.
Farmaajo.
Waxa u sharaf badan isaga oo iskaga noqda America,xilkii Madaxweynimo haduu waayey in uu xagxagto Xilka Raysalwasare ma haboona meeshan Muraayadii Qaranka Somalia oo jajabtey aya la raba in la isku kabo,waa in uu u tanasula Qaranimada Umada Somali Farmaajo iyo taageerayashiisa joojiyana qaska ay ka wadan Muqdisho.
Raysal Wasare horey aan loo arag aya loo bahanyahay dhalinyaro madax furan Beesha uu rabo ha ka soo jeedo.
Farmaajo sida uu wax u wada waa is maqiiqis iyo xukun jaceyl koley Beesha uu ka dhashey dhaqan ayey u leeyihiin in aanay is qaban runtana isku sheegin marka arinku yahay Siyaasad,Siyaas Bare ayey Umada Somali ka qaban lahayeen iyaga oo ogaa dhibka uu wado ayey la barbar taagnayen hiil iyo hooba,tii ayey wali wadan xiliganse waa Filim horey loo dawadey cidna xiiso uma hayso.
Madaxweynaha waa in uu ka fiirsada khaladaadkii ay sameeyeen Dawladihii ku meel gaarka aha,waana Raysal wasare iyo Madaxweyne aan isla shaqeyn karin taladana loo wada dhiibey Madaxweynaha waxa ku haboon waji cusub qof sidiisa dhalinyaro ah in uu ka dhigto Raysal wasare.