Gen. Dhagabadan oo ka xanaajiyay shacabka Soomaaliyeed

General Dhaga Badan ayaa wuxuu si weyn uu uga careysiiyay shacabka Somaliyeed, iyadoo uu ka soo yeeray hadal lama filaan ah oo aan marnaba laga fileynin Masuulkaan.

Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General C/Kariin Yuusuf Aadan (Dhaga Badan), oo shalay hadal ka jeediyay Xeradii Militariga ee Maslax, oo lagu soo bandhigay rag ka soo goystay Al Shabaab, ayaa wuxuu ka jeediyay hadal layaab leh.

Kahor inta uusan hadalka ku dhawaaqin General Dhaga Badan ayaa waxaa goobtaasi ka hadlay Sheekh Sheegow Axmed Cali, oo ah ninkii hogaaminaayay raggii ka soo goystay Al Shabaab ee lagu soo bandhigay Xerada Maslax.

Sheekh Sheegow ayaa wuxuu sheegay inaysan dooneyn wax-yaabo kahor imaanaaya buu yiri Shareecada Islaamka, isla-markaana wuxuu sheegay in 4.5 uu yahay wax khaldan oo Diinta Islaamka kahor imaanaaya.

Sidaasi daraadeed ayaa wuxuu Dowladda Soomaaliya uu ugu baaqay inay ka tagto wax walba oo Diinta Islaamka kahor imaanaaya, markaasina ay Dowladda Soomaaliya noqon karto mid si wanaagsan u shaqeysa.

Laakiin General Dhaga Badan oo Microphone-ka qabsaday ayaa wuxuu sheegay in 4.5 uusan ahayn wax Diinta Islaamka kahor imaanaaya, laakiin waxaa weeye buu yiri arin Siyaasad ah, isla-markaana wuxuu sheegay inaanan loo-baahneyn in leesku khaldo.

Qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo siyaabooyin kala duwan ula hadashay Idaacadaha Magaalada Muqdisho, ayaa waxay si weyn u adeegeen General Dhaga Badan, iyagoona ku eedeeyay in uu ka mid yahay kuwa weli doonaaya inay beelaha qaarkood Xaqooda ay duufsadaan.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.