Howlgalo laga wado wadooyinka isku xira Caliyaale & Balcad

Howlgal ay ciidamada dowladdu maanta ka sameeyeen waddada isku xirta deegaanka Caliyaale iyo Balcad ayeey ku soo qabteen kooxo hubeysan oo dhac u geysanayay gaadiidka isticmaala waddadaasi.

Taliyaha ciidamada XDS ee deegaankaasi Gaashaanle Muqtaar Xasan Tifow ‘’Shaahmacabe’’ ayaa sheegay in saaka ay ciidamadu howlgal ka sameeyeen waddada isku xirta deegaanka Caliyeele iyo degmada Balcad halkaas oo ay ku soo qabteen 4 nin oo hubeysan oo dhac u geeysanayay gaadiidka dadweynaha ee isticmaala waddadaasi.

‘’Afarta nine ee aan qabanay waxey ku hubeysnaayeen qoryaha fudud iyagoo ku labisnaa dereeska ciidamada dowladda waxeyna telefoonnada gacanta ka qaateen dad ku safrayay waddadaasi alaabtii ay dhaceenna waan ka qaadnay iyagana waxaan u gudbineynaa Booliiska’’ ayuu yiri taliye Shaah ma cabe.

Tan iyo markii ciidamada qalabka ay la wareegeen deegaanka Balcad ayaa waxa ay deegaannada hoos yimaada degmadaasi ka fulinayeen howlgallo lagu xaqiijinayo ammaanka iyadoo ay ciidamadu iskaashi la leeyihiin dadka ku nool deegaannadaasi.

Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.