Xukuumadda Kenya ayaa iminka soo afjartay Tababaro in kabadan 1,000 kuwaasoo lagu sheegay in lagu biirin doono Ciidamada AMSIOM ee ku sugan Magaaladda Muqdisho iyo daafaheeda
Ciidamada loosoo wado Somalia ayaa ka imaan doono Dalka Kenya xili Ciidamadeeda ay gacanta ku qaban la’dahay Magaalada Ksimaayo waxaana iminka Ciidamadaasi lagu wadaa in la geyndoono Magaalada Muqdisho oo iyagu la Ciireysa Kumanaan Caadan oo ka socda Midowga Africa xili Ciidamadaasi ay ka adkaan la’yihiin sugida amaanka Muqdisho
Ciidamada iminka Tababarada loosoo xiray ayaa waxaa u khudbeeyay Madaxweynaha dalkaasi iyo Wasiirka Gaashandhiga Kenya kuwaasoo ku booriyay ciidamadaasi inay u socdaan Dal aan amaan lahayn loogana baahan yahay inay kaalin fiican ka qaatan sugida amaanka Magaaladda Muqdisho islamarkaana ka taxadiraan dhibaatooyinka kaga imaan kara dhanka Al-Qacidada Somalia ee Alshabaab oo iyagu dagaal kula jira Dowladda Somalia iyo Ciidamada AMISOM ee halkaasi u jooga suginta amaanka
Macadda xiliga ciidamadaasi la geyn doono magaaladda muqdisho iyo halka ay fariisimo ka sameysan doonaan wallow la filaayo inay ku biiri doonaan ciidamada AMISOM ee halkaasi horay u joogay.
Xafiiska Wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
____________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize