Xisbul Islaam oo kasoo go’ay Al-Shabaab!

Ururkii Xisbul Islaam oo horay ugu biiray Al-Shabaab ayaa maanta iclaamiyay inay ka baxeen, kadib bayaan ay soo saareen

Xisbul Islaam ayaa sheegay in isku biiridii hore aanay aheyn mid dhameystiran, balse haatan ay noqdaan mid madax banaan oo ay gooni isaga taageen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Maxamed Maxamed oo ahaa Xoghayihii arrimaha dibada ayaa waxaa uu tilmaamay inay go’aansadeen inay ka baxaan, kadib baaritaano dheer iyo wada tashi dhexdooda ay sameeyeen.

“Waa jirtay in aan isku biirnay laakin waxay taasi ku bilaabatay marki ay Shabaab nagu bilaabeen dagaal iyo boro-bogaando maxalli ah iyo mid caalami ahba anagana waxaan diidaynay in dhalinyarada Soomaaliyeed isku baaba’aan dhiigna uu daato, baaritaano badan kadibna waxaan soo saarnay bayaankaan oo aan ku sheegnay in aan ka baxnay Al-Shabab”ayuu yiri Maxamed Macalin oo la hadlay Idaacada VOA-da

Mar la weydiiyey in Sheekh Xasan Dahir Aweys oo madax u ahaa Xisbul Islaam uu wax ka ogyahay go’aankan ayuu ku jawaabay “Anigu shaqsi ka hadli maayo ee waxaan ka hadlayaa Xisbul Islaam, waxaan kale oo aan kuu sheegayaa in go’aankaan ay gaareen mas’uuliyiinta Xisbul Islaam”

Sheekh Maxamed Macalin ayaa sheegay in ay la hadlayaan Dowlada cusub ee Soomaaliya, maadaama dowladdii hore ee uu hogaaminayay Madaxweynihii hore Shariif ay ka leexatay jihaadkii iyo kacdoonkii.

“Kooxdi qayaantay kacdoonki shacabka iyo jihaadka meesha way ka baxeen isbadalna waa muuqdaa laakin wax kasto waxay ku xiran tahay kooxda hada awooda la wareegtay sida ay u dhaqmaan, hadii ay daneystayaal noqdaan kuwi haore meeshi ay mareen ayey marayaan”ayuu yiri Maxamed Macalin.

Waxaa laga yaabaa in Xisbul Islaam wada hadal la galaan dowladda Soomaaliya ee uu madaxda ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud.

Xisbul Islaam ayaa ku biiray Al-Shabaab dabayaaqadkii sanadkii 2010, xilligaasoo cadaadis ku saarnaa deegaanadii ay ka talinayeen iyo dagaalo ay ku hayeen Shabaab.

Hadalkan ka soo yeeray Xisbul Islaam ayaa dad badan u arka mid aanan saameyn badan laheyn, mar hadii Shabaabka gacantooda ka baxay Gobolo badan, isla markaana aanu wali si toos ah uga hadli Xasan Dahir Aweys oo ahaa Hogaamiyihii Xisbul Islaam.

________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.