Xili waayahaan aay kusoo korhdeen magaalada Muqdisho dilalka qorsheysan iyo qaraxyada ka dhaca goobaha aay ku suganyihhin dadka rayidka ah iyo xarumaha ciidamada, ayeey Wasaarada Arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka waxeey sheegtay in aay kordhisay ciidamada sugaya nabadgalyada eek u sugnaa degmooyinka gobolka benaadir, si ay ammaanka u xaqiijiyaan gacantana ugu soo dhigaan dadkii ka danbeeyey qaraxyadii ugu danbeeyay iyi waliba dilalkii lii geestay dadkii ugu badnaa saxafiyiinta ee isbuucii hore siyaabo kala duwan loogu dilay magaalada.
C/samad Macalin Maxamuud oo hada ah sii hayaha xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ahna xilibaan ka tirsan dowlada federaaliga Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamo meletiri pilce iyo kuwan nabadsugida isugu jira kuwaa oo labisan iyo kuwa aan labisneyn ay geeyeen baro muhiim ah oo ka mid ah magaalada.
“Meelaha qaar ciidankii horay u joogay ayaa lagu kordhiyay, waxaa la geeyay baro cusub ciidamadana ay dageen, waana arrimo loogu tala galay wixii imaan kara looga hortago, ciidanka waxaa uu isugu jiraa kuwo labisan iyo kuwo aan labisneyn”ayuu yiri C/samad oo la hadlay Idaacada ku hadasha afka dowlada ee Radio Muqdisho.
Waxaa kale ee uu sheegay inay socoto wali qorshayaal loogu tala galay in lagu xasiliyo amniga magaalada, waxaana uu sheegay in Ciidamada haatan lagu arki doono goobo aan horay loogu arkin.
Waxaa kaloo wazaaradu sheegtay in go,aan adag laga qaatay askarta xabada ka dehx rida magaalada iyagoon wax howl ah ku qabaneen xili sshalay magaalada oo idil aay noqtay rasaas mar leesla dhex marayey in Farmaajo loo magacaabay ra,iisul wazaare, isagoo xusay in askarigii shacabka dhexdiisa rasaas ku dhex rida tallaabo laga qaadi doono.
“Go’aamo adag ayaa laga gaaray inaan la isticmaalin karin xabadaha aan loo meel dayin, lana ogolaan karin, taliyaasha ciidamada go’aan ayay ka gaareen in aan maalin cad magaalada dhexdeeda xabad lagu ridin, waa arrin sharciga waafaqsaneyn, ciidan dareys wata inuu rasaas rido”ayuu yiri.
Magaalada Muqdisho ayaa waayahaan laga dareemayey nabad galyo daro iyadoo ay ka dhaceen dilal qorsheysan iyo waliba qaraxyo.
Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize