Wararka laga helayo magaalada Galkacyo oo ah magaalo madaxda gobolka Mudug ayaa sheegaya in labo ka mid ah Saraakiishii Xisbul Islaam oo dhowaan sheegay mar aay la hadleen warbaahinta dibada inay ka baxeen kana go,een xarakada Al-Shabaab oo aay horay ula midoobeen ayaa shalay lagu xiray halkaas xili aay soo caga dhigteen garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo,iayadoona aay gacanta ku dhigeen ciidanka ismaamul goboleedka Puntlan.
warar hoose ayaa sheegaya in saraakiishan aay dhowaanahan ku sugnaayen deegaano ka tirsan Gobolada Dhexe, iyago doonayay xiliga la qabtay inay u ambabaxaan magaalada Nairobi, si ay diyaarad uga raacaan qeybta waqooyi ee garoonka diyaaradaha Galkacyo.
labadaan sarkaal ayaa lagu kala magacaaba Xasan Mahdi iyo Maxamed Macalin oo ka mid ah Saraakiishii Xisbul Islaam aya xalay ku hoyday Xabsiga magaalada gaalkacyo.
Saraakiishaan ayaa sida wararku sheegayaa waxaa lagu sii daayey damiin iyadoo wadahadalo dheer aay dhexmareen maamulka Puntlan iyo culumaaudiinka Ahlu suna.
Xubno kale oo ka tirsan Xisbul Islaamkii burburay ayaa maalmihii u dambeeyay ku sugnaa Gobolada Dhexe, halkaasoo wada hadalo kula jireen maamulada ka jira, iyadoo kulamada qaar ay ahaayeen kuwo ay qeyb ka ahaayeen siyaasiyiin, ganacsato iyo dad qurbo joog ahaa.
Xisbul islaam ayaa dhawaan sheegay ineey ka go,een dhaqdhaqaqii Alshabaab oo aay ku biireen sanadii 2010ka ,iyagoona sheegay in aay wadahadalo la galayaan cid kasta oo jecel ineey la hadasho.
Share on Facebook
![]() |
Hadalkaan waxba kama jiraan, oo Duqa Magaalada Galkacyo ayaa beeniyay.