Ciidamada booliska Soomaaliya ayaa xalay howlo ballaaran ka sameeyay degmooyin dhowr ah, kaasoo dad fara badan ay ku qab qabteen, iyadoo howl galadan inta ay socdeen Isgoysyada magaalada lagu arkay Ciidamo baarayay gawaarida.
Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in howl galada xalay laga sameeyay degmooyinka Waabari, Xamar Jajab iyo Yaaqshiid, isagoo xusay inay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo falalka amni daro.
“Howlgalka ay ciidamadu ka sameeyeen degmooyinkaasi ayaa lagu soo qabtay rag ay booliisku baadigoobayeen iyo kuwa kale oo la rumeysanyahay in ay ka tirsanyihiin shabaab, laakiin baaritaan ayaa la marsiinayaa cidii dambi lagu helana sharciga ayaa la horgeynaya”ayuu yiri Jen. Axmed Xasan Maalin.
Taliyaha ayaa sheegay in howl galadan ceynkan oo kale ah ay socon doonaan, inta laga sugayo ammaanka caasimada, isagoo ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada booliska, kuna soo wargeliyaan hadii ay arkaan falal lidi ku ah ammaanka.
Howl galkan ayaa inta uu socday ayaa waxaa saldhigyada Booliska degmooyinka kormeer ku tagay Taliyaha Booliska Soomaaliyed Jen. Shariif Sheekhuna Maye oo kula dardaarmay Ciidamada inay waajibaadkooda gutaan.
Maalmihii u dambeeyay ayaa howl galada waxay ka noqdeen magaalada kuwo joogto ah, oo ay ka qeyb qaadanayeen Ciidamada booliska, Nabadsugida iyo kuwa milateriga, waxaana howl galadii u dambeeyay lagu soo qab qabtay dad boqolaal gaaraya.
Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login