Dr. Gaas oo qudbad ka jeediyay Qaramada Midowday

Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas oo ah sii hayaha xilka Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa xalay khudbad la jediyay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay

C/weli gaas ayaa khudbadiisa si gaar ah ugu mahad celiyay Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha Caalamka kaalintii ay ka qaateen dib usoo celinta dowlad Soomaaliya.

Khudbad taariikhi ah ayuu Ra’iisulwasaaruhu ka soo jeediyey fadhiguii Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoomay,waxaana uu sheegay sheegay in dalka Soomaaliya uu hada dib uga soo baxayo mugdigii ahaa burburka iyo dagaalada isla markaana uu hada yeeshay maamul.

Prof.Gaas waxaa kale uu u mahadnaqay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arimaha Soomaaliya Augistina Mahiga dadaalkii dheeraa ee u galay sidii looga bixi lahaa xiliga kumeel gaarka, iyo wakhtigii dheeraa ee uu ku mashquulsanaa sidii xal looga gaari lahaa khilaafyada siyaasadeed ee ka jiray gudaha dalka Soomaaliya.

Ra’iisuwasaaraha Soomaaliya ee xilka ka sii degaya islamarkaana madaxweynuhu u wakiishay ka qeybgalka shirka QM ayaa sidoo kale u mahadceliyay ciidamada AMISOM kaalintii weyneed ay ka geysteen xasilinta qeybo badan oo kamid ah dalka Soomaaliya sida uu sheegay.

 

 

Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

______________________________________________________

“waxaa kale oo aan u mahadcelineynaa Midowga Yurub, Jaamacada Carabta, Ururka wadamada Islaamka, Turkiga, Maraykanka iyo kuwa kale ee na saaciday”ayuu yiri C/qeli gaas

Mar uu ka hadlayay hawsha ugu weyn ee hada dowlada Soomaaliya hortaal ayuu sheegay inay tahay sidii loo xasilin lahaa nabadgelyada Soomaaliya loona hirgelin lahaa dibu heshiisiin dhab ah .

Ra’iisulwasaare Gaas waxaa lagu wadaa inuu dhawaan Muqdisho ku laabto xili uu Gaas ka mid yahay dadka la hadal hayo in madaxweyne xasan sheekh u magacaabo xilka ra’isulwasaaraha Soomaaliya.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login