Madaxweyne Sharif oo daganaansho laga siiyay Yugaandha

Wararka laga helayo dadka ka agdhow madaxweynihii hore ee dowladda kmg Sheekh Shariif SHeekh Axmed ayaa sheegaya in Shariif SHeekh Axmed iyo qoyskiisa ay isku diyaarinayaan inay u guuraan dalka Uganda.

Warku wuxuu intaas ku darayaa in Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo qoyskiisa deganaansho ay siisay dowladda Uganda isagoo magaalada Kampala looga diyaariyay gurigii uu ka dagi lahaa.

Shariif sheikh axmed iyo labadiisa xaas iyo caruurtiisa ayaa la sheegay in dowladda Uganda ay siisay magangalyo deganaansho ah iyadoo magaalada Kampalada guri ku yaalla la siiyay Shariif Sheekh Axmed halkaas oo uu ku noolaan doonno..

Madaxweynihii dowladda Kmg Shariif Sheekh Axmed ayaa saaxibo dhow ah Madaxweynaha Uganda Yewri Musavani kaas oo ka taliya dalka Uganda waxaana madaxweynaha Uganda Yuweri uu ka caawiyay dowladdii shariif Sheekh axmed dhinacyo badan oo ay ugu horeyso dhanka amaanka.

Ma aha madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka Somalia oo marka xilka ka dego uu u guuro dal kale waxana horey sidas u sameyay C/qaasim Salad Xasan oo ku nool Masar,C/laahi Yuusuf Axmed oo Yemen deganaansho laga siiyay laakin geeriyooday goor dambe iyadoo Shariif Sheekh Axmed ay deganaansho siisay dowladda Uganda oo ciidamada ugu badan midowga afrika ay Somalia ka joogaan.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Madaxweyne Sharif oo daganaansho laga siiyay Yugaandha

  1. tani ma runbaa ? maxaase ka danbeeyo u ogolaadasha dagaanshada dal ugandha ? dalkeena sow nabada ma ah mise waxa kale ayaa la soo wadaa hadan . somalia waxay u bahan tahay nabd .. nabad nabad nabad .

You must be logged in to post a comment Login