Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa xilligaan soo food saaray culeys la-sheegay soo magacaabida Raa’isal Wasaarihiisa.
Iyadoo madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud la filaayay inuu soo magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa hadana waxaa arintaasi ay u muuqataa mid culees aad u badan uu kasoo wajahay.
Madaxweynaha ayaa maalinba maalinta ka dambeysa waxa uu sheegaayaa in uu ku dhawaaqi doono cida noqoneysa ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya hase ahaatee ilaa iyo xilligaan afkiisa lagama haayo shaqsigii ra’iisul wasaare noqon lahaa.
Xartunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa inay aad uga buuxsameen siyaasiin fara badan oo mid walba shaqsi gaar ah uu wato islamarkaana uu doonaayo in ra’iisul wasaare laga dhigo shaqsiga uu wato taana wareer ayeey ku riday Madaxweynaha.
Sidoo kale waxaa soo ifbaxaaya xubno cusub oo iyagana ka mid noqday musharaxiinta u taagan inay qabtaan xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxaana la filaayaa maalmahaan nagu soo wajahan midkood in madaxweynaha uu ku dhawaaqo xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qofka qaban lahaa.
Ra’iisul wasaaraha xilligaan loo baahanyahay ayaa ah mid aad iyo aad uga bedalan kuwii hore maadaama xilligaan aanay KMG ahayn waxaana hor yaala ra’iisul wasaaraha cusub ee lasoo magacaabi doona shaqooyin aad iyo aad u badan.
Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya
______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize