W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka). | Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?
wuxuuna yiri inta iga daba istaagay: “ Labada ma ihi walaal. Laakiin waxaan ahay ninka loo maleeyo ninkaaga, oo waxaan nahay Bile walaalo isku hooyo ah!! “ Waaba sheeko cusub ayaan niyada iska ri, Bile ma waxaa jiray wiil ku hooyo ah? Intuu jiray afarta iyo tobanka sanno oo aan isqabnay Bile? Masa anigaa doqon ah oo wax badan ii dhaafeen, sida ay ii dhaafeen in ninkayga cadaw afduubaabyo iyo kuwa dilkiisa rabayba uu sameystay? Yaah! Kursigii ayaan si tartiib ah u fadhiistay, inta qoslay ku iri ninkii, sida in aan kaligay riyoonaayo: “ Ninyahoow ii dhageeyso hadii aad rabtid maal aduunyo Bile Muqdisho ayuu kaga soo tagay ee soco ka cesho ina adeerkiis Axmad… aniga been iyo dhibaato CIA iyo inuu halkaan ku danbeeyay ayaa iigu filan… Mana jiro qof Bile ku dhiig ah oo aniga la iga qarin karo intaas oo sanno.!” Waxuna yiri inta kursigii soo dhaweeystay: “ Ii dhageeyso walaalo! Waa fahmaa in waxaan dhan shoog iyo riyo mal’awaal ah kula yihiin! Laakiin aniga Bile hooyadiis Sacdiyo Alaha u naxariistee ayaa ii dhashay, masa i korsanin, mana iga taqaano dadka ayadaba, oo inta aan soo gaarin ayeey geeriyootay. Ninkaagana waxa shilkaan geliyay waa in laga shakiyay raadinta aan aniga ku haayay asiga. Madaama aan ogaaday inuu yahay walaalkay, waxaana rabay in aan iska soo hubiyo in ay sax tahay oo hooyaday ay weli nooshahay.
Laakiin nasiib darro waa nin aad iigu eg jir ahaan, waji ahan, iyo qaab kasta oo kale, dabcan waa na kala saari waayeen, asna waxba ma ogeen sida uu waligiisba u socon jiray ayuu u socday daacadkaas, kadibna in si fudud loo gumaado ayeey noqotay, waana ka xumahay. Bile asigaba ma oga in aan la dhashay, laakiin waa iiga shakisanyahay uun, dhawrka jeer uu i arkana sida nin ganacsada ah ee ku cusub magaalada ayaan ku bartay, aad ayuuna i soo dhaweeyay. Sidaas darteed ma uu maleeynaayo inuu ii xasuusan doono haduu soo kaco hada. ….!” Waxaana ku iri anigoo weli eray kamid ah warkiisa rumeysanin: “ Waa iska sheeko warkaaga… cadeyn intaas ka fiican ma ii heeysaa ninyahoow? Sideesa ku dhacday in aad iska dhuntay, oo laga sabray oo aad ninkaaga cajaaibka leh ku noqotay, kadibna si lama filaan ah ku soo ogaatay wixii ku dhalay?? Yaab….!” Waxuuna iiga sheekeeyay wixii dhacay asigoo sheekeeynaayo, oo igu yiri: “ Aniga aabahayga waa nin soomaali ah, balsa ku koray Talyaaniga, kadibna hooyaday ayuu ku guursaday markii labada reer isku fahmeen arintaas, oo aabahiis nin siyaasi ah oo diblomaasi Talyaani iyo Soomaliya u dhaxeeyay inbadan ayuu ahaa xilig gumeysiga iyo bilawgii xoriyadaba. Hoyadayna sida aad la socotid reer ganacsata ah oo waddankaan aad looga yaqaano, loogana danbeeyay ayeey ka dhalatay.
Laba sannoo kadib guurkoodii anigoo bil jiro ayaa waxaa dhacday sida aabahay afkiisa ka qiray inuu kufsaday gabar, kadibna si aan ula kac aheeyn ku dilay marki uur kusoo baxay gabadhii, kaaga daranta gabadha waxeey ilmo adeer yihiin hooyo. Taas oo keentay inuu aniga iiga xaddo oo iila aado Talyaani, madaama dowladii Siyaad Barre dil ku xakuntay, oo sida aan fahantayba reerka hooyaday dad awood badan ku dhex leh xukunka dowladii Siyaad Barre ayeey ahaayeen sababta maalgelinta weeyn iyo taajirnimada ay umada kale dheeraayeen. Hooyo markaas ayaa iigu danbeeysay, waxaana filaa raadis iyo murugo badan kadib in ay iga sabartay, aamintay in aan ka dhintay oo ay sadax sanno kadib guursatay Bile aabahiis…!” Waxaana ku iri anigoo qisada foolxumada badan ka naxay: “ Haye, kadibna aabahaa aaway hada?” Waxuuna yiri inta qoslay “ Ma umaleeynee inuu noolyahay? Maya, anigaa dilay!! Waxuu noqday shaydaan Illaah iyo diintiisa ka furtay, waxaana aaminsanahay in Illaah ii badbadshay aniga in aan u aaro dadka maasaakiinta ah, laayo kuwa mujrimiinta ah sida aabahay oo kale.Waxaan ku koray aqalkiisa dumar cad iyo kuwa madmadawba isku bedelaayaan, waxuuna lahaa shirkad weeyn, oo waxkasta laga helo, xataa dadka nool ee laga ganacsado laga helo. Illaah ayaana iiga badbadshay oo markaa ogaadayba, sida aan ku fakan lahaa ayaa shaqeeyay, oo anigoo ku marmarsiyoonaa jaamacad in aan ka helay Inagriiska ayaan London ugu soo guuray, is dhiibay sida dad badan sameeyaan, bedeshay magacii iyo aqoonsigii horaba, sidaasna ku noqday qof Biritash ah. Waxaana is baranay, niman ah Tabliiq, safarkii koowaad oo aan kaga baxnaydalkaan Ingariiska waxaan ku aadnay Pakistan, Afgaanistaan iyo Hindiya, halkaas oo aan kula kulmay koox cusub 1999, kana mid noqday jabhadii Taaliban, oo halkaas kaga jiray dagaal sanado badan, ilaa aan goansaday in aan ka haro dhamaadkii 2006, kadibna aan ku laabtay Talyaani, oo ka taqalusay aabahay iyo boqoqrtooyadii Maafiyada Talyaaniga u aheeyd madaxda.
Dilkii abahay kadib xoolo badan ayaan dhaxlay, kuna bixiyay lacagtaas Alshabab, iyo ururka Xisbulaah ee Lubnaan. Halkaas ayeey marlabaad ka bilaawday dagaalka aniga iyo CIA naga dhaxeeyo, qofka ay rabaan oo ay ku qaldeen Bile waa aniga… waa ogahay qisadaan ma la rumeysan karo, laakiin wiil yare e danbi laawa ah ayaa habaar iyo halag ku noqday, kuwana waayay dad uu aad u jeclaa!! Waxyar i sug anigaa wax ku tusaayo si aad ii rumeeysatde..!” Waa baxay oo galay musqusha, daqiiqadu kadib ayuu soo baxay asigoo u eg qof kale, waxaan is iri ninku waa ku sixray, oo waa miir la’adahay. Illaah baan ku dhrtee waa Bilaha sarirtas kor saaran oo aan hubo oo i hortaagan!! Haduu waddada iiga hor imaan lahaa waa ku farxi lahaa oo in ninkayga soo noolaaday oo socdo ayaan u maleeyn lahaa.
Alxamdulilaah ayaan niyada ka iri, Illaah nooma kaa keenay sanadaas oo dhan, hadii kale maalin dheexaa ayaan ku qaldi laha ninkayga, oo jidka kul dhigi laha!. Ala nimanka yaa u sheego in ay lunsanyihiin? Ninkayga miskiin ma ah maa dilaa kan camal ah lagu qalday..? Waxaana ku iri. “ Waa indhu adagtahy hadii aad aabahaa ku dishay Talyaani, inkastoo aad dabcan cadeyntii oo dhan aad tirtirtay si aad u dhaxashid, tahay alshabab iyo Alqaacidu, aniga oo wax la hubo ay tahay in aad baaritaan badan igu soo sameysay oo aad ogtahay in aan u naxeeynin dadka arimahaas ku jirane aad weli hortaagantahay! Maxaayeelay hada halka wax ee ii furan waa in aan kuu Waco boliiska sida muwaadin oo shartaada umada laga qabto! Ninkayga kumanaan dunida joogo ayaa u ekaan karo, taas micnaheeda ma ahan in aad adiga la dhalatay, caradiina ayaa isku meel laga soo qaaday oo kaliya! Tan kale ma yeelaayi, mana aaminsanin in hooyo Sacdiyo wiilkeeda qiso sidaas u xanuun badan ka qarin laheeyd oo kula noolaan laheeyd been iyo sir ay la dhimatay…… ee ninyahoow xal keen? Ma boliiska ayaan wacaa masa sida qof muslim ah dartiis ee suno ka muuqatay ayaan kuu cafiyaa oo waad iiga hortageeysaa?!” Cabaar ayuu ii fiirshay, aaday dhinacii sariirta oo macsalaameeyay walaalkiisa oo sheeganaayo, inta ii dhibay warqad ay ku qoranyihiin teleefano igu yiri: “ Ama ugee boliis ama iska dhaaf, aniga telefankaas iyo ciwaankaas ayaa la iga helaa, waana idin imaanaa subax kasta ilaa Bile ka kaco sariirtaas oo ii aqoonsado walaaltinimdayda! Aniga wax aan asiga aheeyn dunida iiguma harin.
Asxaan i same, hadii wax uun xaaladiisa ka soo cusboonaadaan iiga soo baaq uun telefankaan, aniga ku soo wacaayo, ama isla markaasba kuu imaanaayo dumaashi adigoo mahadsan. Hadii ay jiraan wax aad u baahantahay wac telefankaan gabar ayaa kaa qaban doonto, , uu sheeg waxa aad rabtid ayadaa kuu keeneeysa. Waxba ha ka walaacin arintaada! Bile haduu maqanyahay hada anigaa joogo, oo intuu kuu gali lahaa kuula ah diyaar.” Ciyaal ayuuba igu dilay.. dumaahsi ku yiri! Dhimo dheh! Uuf, waxaan camal dumaashi ha ku dhaho, yaab adduunyadaanaa!! Waa u mahadcelshay, una sheegay in aan halkaan ku leeyahay asaxaab badan oo waxkasta iila ah diyaar, ciwaankiisana aan u baahnaan doonin, una baahneen hada. Waa baxyay, indha adeegiisa ayaan la yaabay, waxuu ogyahay in waxuu ii sheegay dhan aysan duubneen yaah? Meeqo maxkamad ayuu ka soo fakaday? Meeqo qareen ayuu shaqo gelshaa oo u dodo ninkaan? Maxuusa ka qabta dalkaan? Waxaa ii yimid Cabdiqani, waxaana u tilmaamay ninka oo siiyay ciwaankii uu ii siiyay kana codsaday inuu i soo ogaadu waxkasta ee ku saabsan, sida waxa uu qabto iyo meesha uu u shaqo tago, ama u diro qof shaqo ka dhigto, maadaama aan ku qasbanaa in aan ninkaan runtiisa iyo beentiisa soo ogaado. Bile xaaladiisa caafimaad waa ka rooneed intii hore, intii miirkiisa joogin, weli wax dhaqdhaqaaq ah muujineeynin, habeenkaan oo dhan feker ayaan la ag fadhiyay oo marba meel qofka ugu socday. Habeenku dheera markii qofka dhib uun haayo oo uu seexan Karin. Ninka qisadiisa ma fahmin, dadkaan yaa iga cishto maxeey daba dhigteen ninkayga aan ii jawaabin Karin? Maxeey iigu keenaayaan suaalaha aan ka jawaabi Karin? Soo ma oga in aan ku noolahay in Bile ila hadli karo, ii sixi karo, ii difaaci karo, ii tusin karo, kaligay ma noolaan kari ani, waxna ma qabsan kari,, laakiin qof i fahmeeyso ma lahan sbuucyadaan.
Waxaa i soo wacday saaxiibtay Muxubo oo Mareykanka joogto, ayada hada ayeeyba galab u tahay weli. Dhibka igu dhacay ayeey iiga tacsiyeeysay, waxaana uu sheegay wixii musiibo aan soo arkay, oo ay ka naxday, kaaga darantayda in Bile weli dhaawaciisa sidii u yahay qatar, kaligayna aan ku ahay agtiisa, oo hooyoi yo Jabriil mar ay la hadashay in waxkasta hagaageen ayeey u sheegeen, waxeey isla markiiba goaansatay in ay soo baxdo, oo shaqada fasax ka soo qaato asbuuc ah, iina wehliso, alxamdulilaah, waa uu baahnaa qof iigu dhiig ah oo aan ku kor ooyn karo. Waxeey jecleed waligeed in aan isku dhawaano, oo aan kala fogaanin, laakiin nasiib darro waqtigaa na kala waday, balsa sanadii aan degeneen Soomaaliya qofta kaliya ee markasta oo ay fasax tahay noogu imaaneeysay Soomaaliya ayeey aheeyd. Ayada iyo ninkeeda waxeey kala tageen oo is fureen sanad ka hor ayagoonan weli wax caruur ah isku dhalin inkastoo ay is qabaan toban sanno. Waxaan aad u jeclaa markasta oo aan arko, una xiisi jiray noloshii shukansiga iyo waqtigii macaanaa oo aan soo marnay sida lamaane ani iyo Bile, balsa dhamaaday markii caruur la yeeshay, oo aad moodaa in waxkasta llmaha uun noqdeen oo aan anaga baahi qabin. Waa ka maseeyri jiray markii aan ka maqlo fasax ayaan nahay oo meel heblaayo ayaan ugu soconaa dalxiis!
Anaga hadii aan dalxiis aadeeyno waa in dad badan howl la’aan noqdaan oo ilmaheena sii haayaan, mana jecli in aan dadka dhibo ama ilmahayga aan ka dheeraado in aan ku qasbanahay ma ahane. Muxuba waa macalimad jaamceed oo maadaama arimaha bulshada iyo tariiqda dhigto aadna loo jecelyahay, ardayda dareenkooda iyo qiirada ay u qabaan waxaan aqriyaa marrkasta oo aan galo facebuugeeda, oo runtii shaqo u ah muhiim dad badan ee u kala dhashay dalal aad u kala duwan ayeey wadaa. Aad baan ugu farxay imaatinkeeda, waxuuna ii hilmaansiiyay dhibka aan xaqiiqo ahaan ku jiro, hadii ay imaato ayada ila ii qaybsan doonto ayaan qalbiga ku dejistay, ma jirin qof iiga dhaw, oo iiga dareen dhaw jirkayga iyo qalbigayga, xanunkayga ayeey dareensaneeyd, hadiyad Illaah in ay tahay in aan nahay dad sidaas isku dareemaayo, ogna baahida ay u wada qabaan in ay is garab taagnaadaan daqiiqadaha dhibka badan ee nolosha ka mid ah.
Ogaalkeeda waxuu ahaa muhiim, waxeeyna ii tustay qiimaha saaxiibtinimada, markay laba maalin kadib ka soo dagatay eelaboorka, oo ii timid ayadoo ooyneeyso, nala yaabtay in aan weli is dhiibin inkasto aan arkay wixii aan arkay, weli arkaayo oo ninkayga bukaan sariir jiifo yahay. Sheekooyinkeena waa dheraadeen habeeno badan, waxeeyna iila aragtay marki kowaadba ninkii iiga naxsaday, oo inta acuudi bileeysatay sariirtii Bile tagtay soo hubisay in Bile weli sariirtiisa jiifo. Kadibna ninkii maantay sida dadka caadiga ah u soo labistay oo eg nin u socdo ama ka yimid xafiis salaantay oo is bartay, nin fiican ayuu iska dhigay, oo si sharaf leh u salaamay, u abtirsaday, una sheegay waxa uu yahay, waa ii fiirisay ayadoo qosolkii ay ku halaagtay nimanka qososhay, oo igu tiri: “ Macquul ma ahan! Bile walaalkiisa ama wiilkiisa uu dhalay ayaa mid tahay!!” Waxuuna ugu jawabay: “ Haa, ma aragtay sida aan ugu egahay! Laakiin nasiib darro dumaashiday iima ogolo xataa salaanta islaamka in ay iiga jawaabto oo qof waashay ayeey ii moodaa!! Aan ku weeydiiyee abaayo ma nin waalan ayaan kuula egahay? Ma isku kay aamini laheeyn hadii aan ku soo doonaan lahaa hada?” Niyada ayaan ka qoslay, shiikh been ah badnaa, beerka idin xanuun, sidaas ayaa loo shukaansadaa gabadhii qurxoonba oo la iskugu dhejiyaa hadii kale waa la iska dhaaf, reer magaal talyaani ka yimid in aad tahay yaa u sheego?
Kuma ay salaanteen axtaa sida ay u necebtahay maafiyada Talyaani lee!!…………………………………….!”
Aqriste la soco qaybta danbe ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!”
Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji emailkaan: samsam_1989@hotmail.com
______________________________________________________________
28/09/2012 W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)
Share on Facebook
Xisbiga Dadka Oo balanqaad u sameyay Shacabka Soom...
Munaasabada 1da Luulyo oo si weyn looga Xusay dalk...
Himilada Somaliya iyo Halganka Dimoqradiyada
Xoghayaha Arrimaha Dibada Mareykanka oo 12-diyaara...
Safaaradda Kenya, Maalinta ciidda iyo carruurta qa...
Prof. Jawaari hadii aan dhimano dadka waa la helaa...
Filim ka hadlaya runta bilowgii dagaaladii sokeeye...
Outgoing and incoming AU Special Representatives p...
Masjidka Isbaheysiga oo dayactir lagu sameynayo
Doorashada Olympicada Soomaaliya & Doorka...
RW Saacid oo kaqeyb galay banaanbax
Wafdi Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo S...
![]() |
| Site Admin |
| Qaranimo on Facebook |
| Entries RSS |
| Comments RSS |
|
| Copyright @ 2005 Qaranimo Online All Rights Reserved! |

You must be logged in to post a comment Login