Tarsan oo lagu eedeeyay amaan xumida Xamar

Mas’uuliyiintii hore ee Maamulka gobolka Banaadir iyo Xildhibaano ayaa ku eedeeyay ammaan darrida ka jirta Magaalada Muqdisho in uu ka dambeeyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir Max’ed Axmed Nuur Tarsan.

Xilli guddoomiyaha gobolka Banaadir Ahna, duqa Magaalada Muqdisho Max’ud Axmed Nuur (Tarsan) uu ku eedeeyay Ciidamada Militariga Dowladda Soomaaliya inay ka dambeeyaan falalka ammaaan darri ee kusoo laba laabtay Muqdisho ayaa arrintaasi waxaa si iskumid ah ugu hadlay Mas’uuliyiin horey qeyb ugu ahaa Maamuladii uu soo maray gobolka iyo Xildhibaano ka tirsan barlamanka Soomaaliya.

C/fitaax Ibraahim Sabriye Shaaweeye oo horey u ahaa Guddoomiye ku xiggeenkii dhinaca ammaanka ee Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxa uu nasiib darro ku tilmaamay xilli gobolka Banaadir uu ka jiro Maamul ay ka dhacaan falal ka dhan ah ammaanka, isagoo tilmaamay in wax ka qabashada ammaanka gobolka ay Mas’uuliyad ka saaran tahay Maamulka uu hoggaamiyo Max’ud Axmed Nuur (Tarsan).

Cali Max’ud Faarax Cali Seeko oo ka mid ahaa Xildhibaanadii uu Waqtigoodii dhamaaday ayaa waxa uu sheegay in marka laga tago eedeynta Maamulka gobolka Banaadir ee ku aaddan in Isbaarooyin dadka lagu dhibaateeyo ay yaalaan duleedka Magaalada Muqdisho ay jiraan Isbaarooyin yaalla goobo si aad ah ugu dhow Xarumaha Dowladda Soomaaliya oo uu ku jiro Xarunta Maamulka gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn Cali Seeko ayaa waxa uu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in lasoo kala cadeeyo in Tarsan uu yahay Guddoomiye gobol amma  Mudane ka tirsan barlamanka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Xafiiska wararka | Qaranimo Online | Muqdisho, Soomaaliya

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login