Alshabaab oo gabi ahaanba isaga huleelay Kismaayo

kooxda Al Shaba boo ka dagaalameysay magaalada Kismaayo maalmihii lasoo dhaafay  ayaa isaga baxay magaaladaas , iyagoona uga baxay sadex jiho magaalada Kismaayo kadib marki ay shalay dhinaca xeebta ay soo dageen ciidamada huwanta ah ee ka socda AMISOM iyo kuwa Dowlada.

Ilo dhanka deegaanka  sheegaya in saakay aay kusoo toosen iyadoo ay maranyihiin xafiisyadi maamulka, saldhiga booliska, xabsiga iyo fariisimihi kale ee ay Al Shabab ka joogeen magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dadka deegaanku aay bilaabeen bililaqo ka socoto xarunta degmada ee ku taala xaafada Calanleey, iyo xarunta maamulka gobolka oo aanan sidaasi uga sii fogeyn saldhiga boolisa.

Ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabab oo ay ku xaqiijinayaan in ay ka baxeen magaalada, laakin dadka waxay ku adkeysanayaan in magaalada aysan ku arkin ilaa iyo hada askari ka tirsan Al Shabab waxaa kaloo wahawada laga saaray idaacadii Alandalus oo ku hadli jirtay afka Alshaab.

Ciidamada huwanta aayaa la filayaa ineey magaalada gudadaha u galaan saacadaha soo aadan iyadoo aay uga soo dhawaadeen magaalada dhionacyo

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 29, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login